Suxufi Ka Hawl Gali Jiray Magaalada Moqdisho Oo Caawa Lagu Dilay Magaladaasi
September 27, 2016 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa maqribnimadii caawa magaalada Muqdisho ku dilay Wariye ka tirsanaa idaacadda Shabeele ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha la dilay oo lagu magacaabayay C/Casiis Maxamed Cali Xaaji ayaa kamid ahaa wariyaasha Idaacadda Shabeele, waxaana dilkisa ka dambeeyay rag bastoolado ku hubeysan.