berberatoday.com
Wadaadii Dhowaan Madaxweyne Siilaanyo Dhagax-dhigay Ee Udhaxaysay Hargeysa Ilaa Tuuladda Xamaas Oo Gabi-ahaanba Aan Taako Lagu Darin Iyo Wasiir Cali Mareexan Oo Lunsaday Lacagtii Lagu Dhisi Lahaa
September 27, 2016 - Written by Berbera Today

 

Cali MareexaanBerbera(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo guryeynta Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexan) ayaa ku fashilmay Mushruucii dhismaha wadooyinka ee dalka, Waxana gabi-ahaanba istaagay Mashruucii sameynta wadaada u dhaxaysaa Berbera iyo Hargeysa ee dhowaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo dhagax-dhigay 79-KM oo kasoo bilaabmaysay Tuulada Xamaas ilaa Hargeysa.

Dhismaha wadaada Hargeysa iyo Berbera ee dhowaan Madaxweynuhu dhagax-dhigay ayey Xukuumadda sheegtay inay u hayso dhaqaale ka badan 7-Milyan Doolar ku baxaya dhismaha wadaadaas, hase-yeeshee waxa aan wali la dhaqaajin ama laguba sameyn wax dayactir ah wadaada burburku kusii kordhay xilli roobaadkan. Warar u dhuundaloola Hay’adda Wadooyinka ayaa shaaca ka qaaday in Mashruuca sameynta wadaadan uu wasiirka hawlaha guud Cali Mareexan si badheedh ah u musuq-maasuqa, kaasoo dhaqaalaha ku baxaayey qayb kamid ah safar dalka dibediisa ah ugu baxay, isla markaana waxa xoggaha la helay sheegeen in Wasiirku 2-Milyan oo Dollar uu leexsaday kuna maamulayo arimo Qoyskiisu ujoogaan dalka Hindiya isaguna uu kula suganyahay.

Mashruucan uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo dhagax-dhigay Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxa Wasiirka hawlaha guud Qandaraas ku siiyey dhismahiisa Shirkadda lagu naas-nuujiyo Mashaariica wadooyinka oo lagu magacaabo China Thon Gpoup oo uu leeyahay Nin Lagu Magacaabo Cabdirisaaq Cumaani, isla markaana kamid ah ehellada Madaxweynaha ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Wasiirka hawlaha guud Mashruucaas inay Musuq-maasuqaan lacagtiisana ay lunsadaan.

Inkastaa oo aanay cadday sababta loo bilaabi la’yahay wadaadaasi ayaa haddana waxa la sheegay inay Wasiirka iyo Maamulka Hayadda wadooyinku inay isku maan-dhaafeen Lacagta ka maqan dhismaha wadaadaas Sanduuq xisaabeedkeeda, waxanay Wararku intaa raacinayaan in dakhliga loogu talo galay in lagu dhiso wadaadaasi uu dhamaa 7-milyan oo Doolar. Lacagtaas oo loogu talo galay in Laami cusub oo Asfal ah lagu saaro meelaha aadka uu Burbursan iyo sidoo kale in Kabis lagu sameeyo godaadka wadaadaa Hargeysa ilaa Tuuladda Xamaas udhaxaysa oo aad uburbursan ilaa hadana la mari kari layahay.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta  Cali Mareexan ayaa gabi-ahaanba ku fashilmay dhismaha wadooyinka tan iyo mudaadii la hoos-geeyey wasaaraddiisa Hay’adda wadooyinka oo Madaxweynuhuu markuu magacaabay hoos geeyey, waxana xusid mudan inay Hay’adda Wadooyinku markii ay hoos joogtay wasaaradda Madaxtooyadda, isla markaana uu Isteerinka u hayey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan ay dhistay wadooyin badan, kuwo kalena Dayactir ballaadhan ku sameysay, halkaa muddadii Wasiirkan hawlaha guud la hoos-geeyeyna aanay bulshaddu arag waddo la dhiso daayo kuwii socday ay istaageen sida wadaada Ceerigaabo oo iyadda aan waxbana lagu Kordhin, hase-yeeshee lagu kordhiyey Caro kaawo wadaada la dhigay qaybo kamid ah. Waxana sida Cadceeda u Cad faashilka iyo Musuq-maasuqa baahsan ee Wasiir Cali Mareexan, waddo uu dhiso daayo kuwii socday Kharashkoodii loo hayey la garan la’yahay meesha uu maray iyo sabaabaha u istaagay Mahsruuc Madaxweynuhu dhagax-dhigay.

Lama ogga sababta Madaxweynuhu ugu daba-geli waayey wasiirkan Mashaaricda loo gacan-geliyey, iyadoo wasiir Cali Mareexan kamid yahay shaqsiyaadka la sheego inay dhinac Madaxtooyadd ka haystaan awoodda dheeraadka ah, maadaama oo ay Madaxweynaha hayb wadaagan.

Cali Mareexaan

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews