Wasiirkii Warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocade Oo Iscasilay Iyo Sababta Keentay
September 27, 2016 - Written by Berbera Today
Garowe(Berberatoday.com)-Maxamuud Xasan Soocade, Wasiirkii Warfaafinta Puntland, ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkaasi, ka dib markii warqadda istiqaalada uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland.
Wasiirka, ayaa C/weli Maxamed Cali Gaas ku ammaanay in si wanaagsan uu u qaabilay, isagoo intaa ku daray in uu ka aqbalay is casilaadda.
Wasiir Soocade, ayaa wuxuu meesha ka saaray in is casilaadiisan ay ku timid, khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxda Puntland.
“Kuma imanin runtii colaad ama xumaan aniga iyo Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka ama dowladda noo dhaxeysa.” Ayuu yiri Soocade oo la hadlay Warbaahinta.
Soocade, ayaa yiri “Wuxuu ku yimid arrin aniga ii shakhsiyad oo gaar ah, taas ayay ku timid, waana arrimo gaar ahoo shakhsiyan i khuseeya.”