berberatoday.com
Xisbiga Waddani Oo Wax Lala Yaaabo Ku Tilmaamay Ficil Ay Sameeyen Maayarada Magaalooyinka Hargeysa,Berbera Iyo Gabiley Uguna Baaqay In Ay Is Casilaan
September 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye kuxigeenka xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay kulan qaadhaan loogu ururinayay murashaxa madaxwayne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi kaasoo ay qaar ka mid ah maayirada magaalooyinka dalku kaga yabooheen xaddi lacageed oo aad u badan.

maayaro

Sida lagu baahiyey cadadkii isniintii ee wargayska Somalilandtoday, maayirada magaaloyinka Hargeysa, Berbera, iyo Gabilay ayaa lacag dhan min $20,000 oo dollar ka ballan qaaday inay ku taageerayaan Muuse Biixi, iyadoo ay masuuliyiintaasi ka qayb-galeen kulan beeleed lacag loogu ururinayay murashaxa xisbiga KULMIYE.

Hadaba Axmed Muumin Seed ayaa ceeb iyo wax laga xishoodo ku tilmaamay in maayir magaalo oo loo doortay inuu danyarta u adeego uu goob fagaare ah kaga yabooho lacagtii dawladda, waxaana uu sheegay inuu rumaysan yahay inaanu jirin maayir Muuse Biixi ugu deeqay lacag uu isagu leeyahay ama jeebkiisa ah balse dhamaan maayiradaas lacagta ballan-qaaday ay ku tagrifalayan hantidii danyarta, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay:

“Arrinta qaadhaanka xisbiyadu waa arrin iska caadi ah oo soo jireen oo qaadhaanku waligiiba wuu jiray laakiin arrinta cajiibka ahayd waxay ahayd in maayirada Hargeysa, Berbera iyo Gabilay ay min labaatan kun oo dollar goob fagaare ah kaga yabooheen waa arrin ugub ku ah Somaliland, arrintaasina waxay tusaale cad u tahay heerka uu marayo musuq-maasuqa xadhkaha goostay lacagtaas waxa u baahan dadka bal aan tusaale ku siiyee wadada tagta madaarku waa sidee ,

waddooyinkeena suuqu siday yihiin waad aragtay, kuwa galbeedka waad ka war haysaan, dadkeenu waxay u baahan yihiin caafimaad, waxbarasho iyo guryo ayay u baahan yihiin, waxaa ceeb inoogu filan intuu nin maayir ahi goob fagaare ah isa soo taago uu labaatan kun oo doolar ballan qaado oo uu yidhaahdo waan bixinayaa, Soltelco waynu garnaynaaye xagguu lacagta ka keenay, Cidin xaguu labaatan kun oo uu qof ugu deeqo ka keeni, kan gabiley laftiisu xaguu ka keeni karaa lacagta intaas le’eg, arrintaasi waxay muujinaysa nidaam la’aanta dawladda iyo inaanu la xisaabtan jirin, markaa arrinkaas waanu cambaaraynaynaa, shalay (Axaddii) anigu waxaan la kulmay hooyo miskiin ah oo alaabta ay iibinaysaa aanay gaadhayn $25 hadana waxay ii sheegtay in laba wiil jaamacadda u dhigtaan, islaantaas miskiinta ah ee xabuubta iibinaysa ayay qoladan maayirada ahi cashuurta ka qaadayaan markaasay qof kale ugu yaboohayaan, dadku waxay u baahan yihiin caafimaad, biyo iyo waxbarasho ee olole uma baahna” ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Muumin Seed oo khadka telefoonka ugu waramayay Wargayska Somalilandtoday.

Sidoo kale Axmed Muumin Seed, kuxigeenka guddoomiyaha xisbiga WADDANI ayaa maayir Cabdiraxmaan Soltelco, Cabdishakuur iyo Maxamed Amiin-ka Gabilay ugu baaqay inay is casilaan, maadaama ay ku kaceen wax ceebku ah dawladnimada iyo qaranka, isagoo sidoo kale maayirada magaalooyinka kale ee Somaliland uga digay inay arrin kan oo kale ku dhaqaaqaan, waxaana uu yidhi:

“In uu Maayir magaalo labaatan kun oo Dollar qof ugu yaboohaa waxay ceeb ku tahay dawladnimada, markaa arrinkaas waxaynu ka qaban karnaa ma jirto laakiin anigu saddexdaas maayir waxaan ugu baaqaya inay iscasilaan, qofka masuulka ah marka uu waji gabax ku dhaco isaga ayaa is casila haddii kale golayaasha deegaanku haka tashadaan, maayirada kale ee magaalooyinkana waxaan ugu baaqayaa inay arrinkaas ka digtoonaadaan haddii ay iminka maqlaan maayirkii Hargeysa ayaa labaatan kun ku deeqay ka Burco-na konton kun oo cashuurtii dan yarta ah ayaabu ku deeqaya”

Geesta kale Axmed Muumin Seed ayaa waxa uu ka hadlay lacagtii uu maareeyaha telefishanka qaranku ugu yaboohay Muuse Biixi, waxaana uu wax la yaableh ku tilmaamay in qof shaqaale dawladeed ah oo mushaharkiisu macruuf yahay uu xaddi lacageed oo kun dollar gaadhaya ku baaqo, isagoo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“waxa kale oo iyaduna wax lala yaabo ah maareeyaha telefishanka qaranka oo shaqaale dawladeed ah ayaa kun dollar bixinaya, maareeyuhu miyaanu shaqaale dawladeed ahayn?, shaqaalaha dawladdu mushaharka ay qaataan miyaan la garanayn?, waa ceeb weeye, fool-xumo ka waynina ma jirto waxaaso dhana waxa keenaya waa la xisaabtan la’aanta dawladda”

Source:- Somalilandtoday

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews