berberatoday.com
Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Soo Gunaanaday Diwaangelintii Ugu Ballaadhnayd Ee Somaliland Laga Qabto
September 28, 2016 - Written by Berbera Today

Madaxweynaha Iyo Xisbiyada Siyaasadda Oo Guddida Doorashooyinka Bogaadiyey

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Doraad Xaflad Ballaadhan ku soo Gabogabeeyay Diwaangelintii Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland.

Xafladda Komiishanku ku soo gunaanaday Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxda Xisbiyada Qaranka, Wasiirro, Shir-Guddoonka Golaha Wakiillada, Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera Doorashooyinka iyo Marti-sharaf kale.

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo Gobolka Togdheer ka bilaabantay 16-kii bishii January ee Sannadkan, ay 20-kii bishan Sagaalaad ee 2016-ka la soo gabogabeeyay.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Diwaangelintani ahayd tii ugu horeysay ee Adduunka oo dhan loo adeegsaday in Cod-bixiyeyaasha indhaha laga Sawirro, halkii Faraha laga qaadi jiray, nidaamkaasi oo lagaga hor-tagayo in Doorashooyinka lagu noqnoqdo.

“Diwaangelinta Hawl-adag baa naga qabsatay, laakiin waa ILAAHAY Mahaddii haddaynu Gabogabadii joogno.” Ayuu yidhi, Afhayeenka GDQ Somaliland, waxaanu intaa ku daray, “Goobaha Diwaangelinta laga qabtay waxa imanayey Dad sita Kiishash oo Dadka is-diwaangeliya ka qaadayey Waraaqaha Diwaangelinta, taasi oo sharci daro ah, waayo? Waxa la doonayaa in Qofku uu keligii goobta Cod-bixinta yimaaddo.”

Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Qaranku wuxuu Mahadnaq u jeediyay Cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta Diwaangelinta, sida Madaxweynaha, Ciidammada Qalabka sida, Shirkadaha Isgaadhsiinta, komiishankii hore iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ee la soo gunaanaday ayaa ahayd tii ugu ballaadhnayd ee Somaliland ka dhacda, waxaana ka qayb-galay Shaqaale ka badan 15000 kun, 2000 oo Baabuur, “Markaa Diwaangelinta waxa looga jeedaa in la helo Doorasho xor iyo Xalaal ah. Waayo? Waxa lagu jaan-goynayaa Waraaqaha Cod-bixinta ee Goobaha la geynayo.”ayuu yidhi, Cabdifataax Ibraahim Sheekh oo ka mid ah Guddida Doorashooyinka oo Xafladdaa hadal dheer ka soo jeediyay, waxaanu intaa ku daray, “Diwaangelintii ma soo xidhmin, oo waxa hadhay kala Hufiddii iyo in Kaadhadhkii (Cod-bixiyeyaasha) la sameeyo.”

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna sheegay in wada-hadallada Xukuumaddu la furtay Kooxda Khaatumo iyo Beelaha Sool dega ay qayb Libaax ka qaadatay in Diwaangelintu si wanaagsan uga dhacdo Gobolkaasi.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo Xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Diwaangelintani Mideysay Somaliland, waxaanu yidhi, “Diwaangelintani waxay mideysay Somaliland, markaa haddii Alle yidhaahdo Doorasho wanaagsanna way inoo dhaceysaa.”

Guddoomiyaha UCID, wuxuu ku taliyey in laga wada tashado sidii Somaliland uga maarmi lahayd Qaadhaan-bixiyeyaasha ka taageera Doorashooyinka oo ay keligeed isku dabbari lahayd.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Maanta waa maalin ku suntanaan doonta taariikhda Somaliland. Maanta Diiwaan-gelin baa inoo dhammaystirantay oo aynu u xafladeynaynaa in si wanaagsan ay innoogu dhammaatay Diiwaan-gelintaasi, markaa waa guul u soo hoyatay Somaliland oo aynu muddo ka dhur-sugeynay. Waxaan hambalyeynayaa dhammaan Qaranka Somaliland, waxa aan hambalyeynayaa Guddida Doorashooyinka Qaranka oo laf-dhabar u ahaa hawshaas, waxa kale oo aan hambalyeynayaa cid kasta oo haddii ay dhaqaale tahay iyo haddii ay farsamo tahay ba ku biirisay si ay arrintaasi u guulaysato oo ay ugu horreeyaan Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Xukuumadda Somaliland iyo cid kasta oo gacan ka geysatay ba.”

Guddoomiyaha WADDANI waxa kale oo uu sheegay, “Qaadhaan bixiyeyaasha, runtii waan u mahad-naqayaa waxaanse  leeyahay hawshii weli may dhammaan, xukuumadda Somaliland na hawsha intii loogu  tallo-galay in ka badan bay bixisay, marka waxa iyaga laftooda looga baahan yahay in aanay hawsha halkii kaga hadhin ee ay dhammaystirkeeda haddii ay Doorashada iyo Diiwaan-gelinta tahay ba ay gacantii ay ku lahaayeen ay sii wado.” Ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna Xafladda ka sheegay, “Waxaan Hambalyeynayaa Komiishanka Qaranka iyo Intii kala shaqeysayba.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Haddii Doorashada ay Xisbiyadu dabada jiidaan waxa laga yaabaa inay dhibaato innagu timaaddo. Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Cid kasta oo kaleba waxaanu leenahay Doorashadu xilligeedii ha dhacdo.”

Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay, “Diwaangelinta aynu joogno xidhitaankeedii waxay inoo saamaxday in lagu tartamo nidaam Xalaal ah, la xisaabtan leh isla-markaana ka fayow Musuqmaasuq. Waxaanu Xisbiyada iyo Bulshada ugu baaqeynaa inay Nidaamkaas wada ilaaliyaan, oo aynu wada ilaashano.”

Gabogabadii waxa halkaasi Khudbad dheer ka soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu yidhi, “Gunaanadka iyo dhammaystirka Mashruuca Diiwaangelinta Codbixiyayaashu; Waa galad Eebe iyo Guul u soo hoyatay guud ahaan Qaranka Somaliland. Waa guul u soo hoyatay Geedi-socodka Dimuqraadiyadda iyo Hannaanka Doorashooyinka Xorta ah ee ka tisqaaday geyigeena hooyo. Waa guul u soo hoyatay Xisbiyada iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka. Waa guul ay xaqiijisay xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay. Ugu horreyn, waxaan hambalyo iyo bogaadin u jeedinayaa ciidammada kala duwan ee qaranka doorkii iyo dedaalkii ay ku lahaayeen taabo-gelinta diiwaangelinta. Marka labaad, waxaan ku hambalyeynayaa Shacbi-weynaha Somaliland sidii xil-kasnimada, xamaasadda iyo xasiloonida lahayd ee ay uga qayb-qaateen diiwaangelintii dalka ka dhacday.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay, “Arrintani waxay daaha ka rogtay bisaylka iyo baraaruga Bulshada Somaliland. Waxay ka markhaati kacday in ay Somaliland tahay dal madax-bannaan oo horumar weyn ka sameeyey nabadgelyada, dimuqraadiyadda iyo hannaanka doorashooyinka xisbiyada badan, taas oo aan ka tisqaadin in badan oo ka mid ah qaaradda Africa. Dhinaca kale waxaan uga mahadcelinayaa Guddida Doorashooyinka Qaranka sidii ay mashruucan uga midho-dhaliyeen. Sidoo kale, waxaan uga mahadnaqayaa dalalka deeq-bixiyayaasha aynu saaxiibka nahay ee UK, iyo EU (Midowga Yurub) taageeradii ay inaga siiyeen diiwaangelinta codbixiyayaasha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay diidmada Beesha Caalamka ee kala qaadista Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, “Dalalka aynu saaxiibka nahay waxay inagu leeyihiin talo iyo tilmaan. Waxaan u haynaa qadarin iyo ixtiraam weyn, wixii ay ina tareena waanu uga mahadnaqaynaa. Hase yeeshee, waxa dhacda in saaxiibadu arrimaha qaarkood ka yeeshaan aragtiyo kala duwan. Haddaba,  waxaanu aaminsanahay in dal waliba uu arrimaha gudihiisa cid walba uga xog-ogaalsan yahay, ugana lexejeclo badan yahay.  kala reebista labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilladu waxay salka ku haysaa danta guud ee Qarankan.”

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay waajib tahay in doorashooyinka loo qorsheeyo dhaqaale ka madax-bannaan Beesha Caalamka, “Miisaaniyadda iyo kharashka doorashooyinku waa waajib qaran oo inaga ina saaran ummad ahaan. Sidaa darteed, mashruuca xaqiijinta diiwaangelinta iyo doorashooyinku saaxiibadeen way inaga taageeraane waa mid Somaliland leedahay.  Waxa lagama-maarmaan ah in aynu u qorshaysanno sidii mustaqbalka dhow Xukuumadda Somaliland u bixin lahayd dhammaan kharashaadka doorashooyinka ku baxa. Waxaa iga go’an, in Doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto 28/03/2017. Ku-talo-galkii hore wuxuu ahaa in aanu bixinno 25% kharashka diiwaangelinta iyo doorashada, hase yeeshee waxay   xukuumadddu bixisay 50%kharashaadkii ilaa hadda ku baxay diiwaangelinta.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Maantana kharashka Xukuumadda looga baahan-yahay waa Siddeed Milyan oo Dollar ($8,000,000), taas oo u dhiganta 80% kharashka Doorashada Madaxtooyada. Waa culays dhaqaale, balse waxa waajib ah in aynu isku-tashanno, xukuumadduna daboosho kharashkaa. Guddida Doorashooyinka Qaranka waxaan ku dardaarayaa inay doorashada xilligeedii ku qabtaan, kuna dedaalaan cadaaladda iyo hufnaanta maamulka doorashada.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews