berberatoday.com
Radio Shabeelle: Weriyihii 14-aad Oo Lagaga Dilay Soomaaliya
September 28, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Kooxo ku hubeysan bastoollado, ayaa maqribnimadii Shalay Magaalada Muqdisho ku dilay wariye ka tirsanaa idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha la dilay oo Magaciisa la odhan jiray  Cabdicasiis Maxamed Cali Xaaji ayaa kamid ahaa wariyaasha Idaacadda Shabeele, waxaana dilkiisa ka dambeeyay rag bastoolado ku hubeysan.

Dad goobjoogayaal ah  ayaa warbaahinta u sheegay in wariyaha lagu dilay agagaarka Jiiro Garoob oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.Lama oga sababta dilka wariyaha ka dambeysa, balse kooxaha dilka geystay ayaa ka baxday goobta falka uu ka dhacay.

Idaacadda Shabeele oo kamid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dilay 14 Wariye oo ka mid ah 58 Wariye oo dalka Somaliya lagu Dilay 2006 ilaa 2016ka.

Wariye Cabdicasiis Maxamed Cali waxaa uu aad ugu shaqeyn jiray Dadka Danyarta ee aan Codka lahayn isagoo inta badan warbixinada ka sameyn jiray Xerooyinka barakacayaasha iyo Cisbitaalada la jiifiyo Bukaanada.

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxaafada Somaliya Maxamed Macalimuu ayaa Tacsi u diray eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay Wariye Cabdicasiis Maxamed Cali isagoo Suxufiyiinta Somaliya ugu  Baaqay inaanay joojin wararka ay bulshada u gudbinayaan islamarkaa aanay dheg u dhigin Kooxaha cabsida ku abuuraya Wariyayaasha Somaliya.

Wariye la Dilay

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews