berberatoday.com
SOOL: Koox Ka Goosatay Khaatumo Oo Gubay Qalab Dadka Lagu Diwaangelinayey Oo Ay Ka Qaateen Magaalada Laascaanood
September 28, 2016 - Written by Berbera Today

Komiishanka Doorashooyinka Qaranku Muxuu Kala Socdaa Falkan ?

 Boocame(Berberatoday.com)-Koox uu hoggaaminayo Qab-qable ka goostay Kooxda Khaatumo oo dhawaan Magaalada Laascaanood ka qaatay Mid ka mid ah Qalabkii Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo Askarigii goobtaasi ilaalinayey, ayaa Shalay soo bandhigay iyagoo gubaya Qalabkii Diwaangelinta iyo Waraaqihii la socday.

Kooxdan oo uu wata Faysal Falalug oo kooxda Khaatumo ugu Magacownaa Wasiiru-dawlihii Amniga, balse uu Xilkaa ka qaaday Cali Khaliif oo diidanaa in Kooxdiisu dhibaateyso Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka, ayaa sheegay in sababta ay Qalabkan u gubeen tahay inay ku dhibaateeyaan Somaliland.

Ninkan oo ay hareero taagnaayeen Maleeshiyaad sitay Hubka Fudud, ayaa duleedka degmada Boocame oo ay Qalabkan ku gubeen Warbaahinta ugaga warramay, ayaa sheegay in sababta hore uga siidaayeen Askari ilaalinayey goobtii ay bishan horaanteedii ka qaateen qalabkan oo ay afduubeen inay doonayaan in Dawladda Somaliland sidaas oo kale xorritadoodda ugu soo celiso Dad uu sheegay inay ku jiraan Xisbiyada Somaliland, “Bulshada iyo Waxgaradka Reer Boocame waxay noo soo jeediyeen inaanu siideyno Maxbuuskaa (Askarigii Laascaanood laga afduubay) oo aanu bilawno Waddo cusub oo ah inay Rag ka tirsan deegaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle (Oo jeelasha Somaliland ku jira) lagu soo daayo oo aanu Maxaabiista isku dhaafsanno. Hadday Raggayaga jeelashooda ku jira soo deyn waayaan hawshani way soconaysaa (Afduubka).” Ayuu yidhi isagoo Hanjabaya Mr. Falalug.

Dhanka kale, Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo Wargeyska HIMILO Xalay wax ka waydiiyey Qalabkan Diwaangelinta ee la gubay, ayaa sheegay in Warkaasi aanu soo gaadhin, “Warkaasi nama soo gaadhin” ayuu yidhi, Afhayeenka Komiishanka Qaranka Siciid Cali Muuse.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews