Ciidammada Booliiska Oo Xidhay Masuul Dawladda Somaliland Ka Mid Ah, Halka Laga Qabtay Iyo Su’aalaha Ku Xidhiidhsan Sababta Xadhiggiisa
September 29, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiye Ku-xigeenka Komiishanka Xuquuqul Insaanka Qarranka Somaliland Maxamuud Garaad Maxamed, ayaa Shalay Ciidammada Booliisku ku xidheen Xarunta Ciidammada Dambi baadhista ee Loo yaqaanno C.I.D-da ee Magaalada Hargeysa.
Maxamuud Garaad Maxamed oo Xukuumaddii Daahir Rayaale mar ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, imikana ah Guddoomiye ku-xigeenka Komiishanka Xuquuqal iinsaanka Qaranka, ayaa Ciidammadu ka soo Xidheen Gurigiisa subaxdii hore ee Shalay.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ah, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Masuulkan oo ay u dhaxday Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ah Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland aan ilaa hadda la ogeyn sababta loo xidhay iyo Cidda amartay Xadhiggiisa.