berberatoday.com
Diyaaradaha Maraykanka Oo Xasuuqay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Gal-mudug Oo Puntland Ku Soo Hoggamisay, Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca
September 29, 2016 - Written by Berbera Today

“Puntland inay tidhaahdo Galmudug waa Al-shabaab waa arrin laga xumaado..” Madaxweynaha Puntland

 

Gaalkacayo(Berberatoday.com)-Diyaarado Dagaal oo la sheegay inuu Maraykanku leeyahay, ayaa Duqeymo Xooggan ka geystay Deegaan dhinaca Bariga kaga beegan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaasoo la sheegay in lagu dilay tiro ka badan 22-qof oo ka mid ahaa Ciidammada Gal-mudug, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Duqeymo loogu geystay ciidamadooda meel ku dhaw deegaanka Jeexdin oo 25-km dhanka bariga ka xigta magaalada Gaalkacyo. Waxayna xuseen in weerarka sidoo kale lagu gubay gaadiid dagaal oo maamulkooda uu lahaa.

Wasiirka Amniga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed), ayaa sheegay inay Tirada ku dhimatay gaadhayso 22-qof, ayna ku dhaawacmeen 16 ruux oo kale oo uu ku sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamadooda.

Sidoo kale, Maamulka Galmudug ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay Askar ka tirsan Ciidamadooda ay iska kaashadeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo ciidamada Puntland.

Dhanka kale, Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Shalay dib ugu laabtay degmada Cadaado oo ah xarunta KMG ah ee maamulkiisa, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Puntland ay Galmudug ku tilmaanto Al-shabaab.

C/kariin Guuleed ayaa suxufiyiinta ugu sheegay garoonka diyaaradaha inuu tacsi u dirayo dhammaan dadkii ku dhintay weerar ay diyaarado uu leeyahay Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Jeexdin oo ku taalla dulleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Puntland ay ku tilmaanto maamulkiisa Al-shabaab, isagoo sheegay in Galmudug ayna la lahayn wax xidhiidh ah Al-shabaab iyo kooxaha kale ee jira, balse ay tahay mid ka mid ah maamullada dalka ka jira.

“Puntland inay tidhaahdo Galmudug waa Al-shabaab waa arrin laga xumaado, isla markaana ay caddeyn u tahay in Puntland ayna diyaar u ahayn nabad iyo Wada-noolaasho ka taabbo-gasha Gobolka Mudug oo labada maamul ay ku wada sugan yihiin,” ayuu yidhi C/kariin Guuleed.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug, ayaa ku soo beegay xilli Dadka deegaannada dhibkani ka dhacay ay sheegeen in Diyaaradaha Maraykanka ee duqeeyay Xerada Ciidammada Gal-mudug ku lahaayeen deegaanka jeexin ay Puntland ku sheegtay inay Al-shabaab yihiin, isla-markaana Maraykanku weerarkan ku qaaday.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews