berberatoday.com
Kuma Ayuu Ahaa Wasiirkii Soo Sheegay Goobtii Uu Ku Sugnaa Madaxweyne Ordogan Habeenkii Afgembigii Dhicisoobay ?
September 29, 2016 - Written by Berbera Today

Istanbul(Berberatoday.com)-Wargeyska Turkiga ah ee loo yaqaan Sosjo ee ka soo baxa dalkaasi ayaa waxa uu soo bandhigay xogo ku saabsan ciddii soo sheegtay goobtii uu ku sugnaa Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan ka hor intii aanu dhicin af-gembigii dhicisoobay ee ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Xogtan oo ahayd mid aad uga yaabisay bulshada ku dhaqan dalkaasi Turkiga ayaa waxa ay cadaynaysaa in wasiirka arrimaha debada ee hore uu isagu gudbiyay xogto ah in Madaxweyne Ordogon uu u soo kicitimayo magaalada Marmaris, islamarkaana uu dagayo hotel ku yaalla goobta dalxiiska ee Oclock, waxaana arrinkan qoray mid ka mida saraakiishii malleegay af-gembigan, kaasoo magaciisa la yidhaa Arayan, waxaanu hadalkiisu u dhignaa sidan “Waxa aan xogta ah inuu Madaxweynuhu soo socdo ka maqlay taliyaha illaalada xeebaha waxaanu taliyahaasi ii sheegay inuu arrinkaasi soo gaadhsiiyay wasiirka arrimaha gudaha, islamarkaana ka hor intii aanay Madaxweynuhu iman saddex maalmood ka hor waan haynay inuu soo socdo, taasina waa arrin xaqiiqa ah oo jira oo aan anigu qirayo”.

Haddaba, xogahan ayaa soo koobay fallaqayn xeel-dheer oo ay dawlada Turkigu ka soo saartay af-gembigan dhicisoobay iyo xogo kaloo badan oo laga qoray qaar ka mida xubnihii ka danbeeyay af-gembigan oo haatan gacanta ugu jira dawlada dalkaasi Turkiga.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews