Laascanod”Hooyo Booliiska La Socod-siiyey In Wiilkeedu Khamri Ka Ganacsanayo Iyo Xukun Lagu Riday Isaga Iyo Ninkii Ay Wada Lahaayeen
September 29, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda Gobolka Sool ee fadhigeedu yahay Magaalada Laascaanood, ayaa Shalay Xukun Adag ku ridday laba eedaysane oo lagu qabtay Maandooriyaha loo yaqaanno Khamriga.
Labada dambiile, ayaa lagu xukumay min Saddex Sannadood oo xadhig ah, waxaana meel fagaare ah lagu jajabiyey ilaa Afartan Litir oo Khamri ah, kuwaasi oo ah Khamriga lagu qabtay Labada Nin ee Min Saddexda Sannadoo ee Xadhigga ah lagu xukumay.
Guddoomiyaha Maxkamadda ku xukuntay Raggan lagu qabtay Khamriga oo ka hadlay Goobtii lagu burburiyey Quraaradaha uu ku jiray Maandooriyahani, ayaa Dadweynaha ka codsaday inay Booliiska la socodsiiyaan Cid kasta oo ay ku arkaan iyagoo sita Khamriga iyo noocyada kale ee Maandooriyaha.