berberatoday.com
Maxkamada Gobolka Togdheer Oo La Horkeenay Wariye Axmed Sakaaro Oo Qareen(Loyar)Udooda Dalbaday
September 29, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Maxkamada Gobolka Togdheer ayaa la horkeenay Kuxigeenka Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SECJA Wariye Axmed Muuse Maxamed(Sakaaro)oo shantii maalmood ee udanbeeyay kuxidhnaa magalada Burco.

Xeer ilaalinta Gobolka Togdheer ayaa Wariye Axmed Sakaaro kusoo oogtay eedo aan meel mar ahayn oo la xidhiidha kicin iyo ku baaqid falal amni daro oo aan marnaba cadaynteeda maxkamada la horkeenin balse loo adeegsanaayayt xadhigiisa iyo in xabsiga loo taxaabo.

Wariye axmed Sakaaro oo ah Masuul Urur saxaafadeed ayaa waxa aan xadhigiisa marnaba loo marin qaabkii sharcigu ahaa, waxaana lagu xidhay amar uu soo bixiyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi oo ka damqaday jawaab uu Axmed sakaaro ka bixiyay hadalo xanaf iyo cunfi xambaarsanaa oo dhawaan kasoo yeedhay Wasiirka kuwaas oo ku waajahnaa Suxufiyiinta Madaxa banaan ee Somaliland kuwaas oo toosh iftiin weyn hadiyo jeer ku iftiimiya Musuqmaasuqa iyo boobka hantida qaranka ee Xukumada Madaxweyne Siilanyo iyo Masuuliyiinteedu kuhayaan Hantidii qarankani lahaa.

Wariye Axmed Sakaaro ayaa markii maxmakada la horkeenay ku dooday in aanu jirin danbi uu galay oo lagu xidhaa balse xadhigiisa ay ka danbeeyaan masuuliyiin Xukumada sare kamid ahi taasina loo adeegsanayo Xeer ilaalinta Gobolka Togdheer oo kiisas ay soo dhoodhoobtay Maxkamada horkeentay waxaanay taasi keentay inuu Wariye axmed Sakaaro Maxkamada ka codsado in loo ogolaado inuu Qareen ama loyar udooda qabsado taas oo Maxkamada Gobolka Togdheer u ogolaatay sheegtayna inuu xaq uleeyahay.

Qareenka ama looyarka ayaa Wariye Axmed Sakaaro fursad loo siiyay inuu mudo sadex maalmood ku keensado.

 

Xadhiga wariyahan ayaa waxa kaloo la sheegay inuu qeyb kayahay Wasiirka hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexan)oo isaguna haynwaayay qoraalo iyo falal musuqmaasuq oo wasiirku faraha kula jiro oo uu Wariye Axmed Sakaaro soo bandhigay,

Isku soo wada duuboo Xadhiga Wariyahan ayaa waxa iska kaashaday Wasiirada Madaxtooyada iyo Hawlaha Guud iyaga oo ujeedad koowaad ee ay kuhaystaan tahay adiga oo kasoo jeeda Beesha Madaxweyne Siilanyo sidaad Xukumada ugu mucaaradaa.

Wariye Axmed Sakaaro ayaa horen suuq weynaha magaalada Burco dhawaacyo halis ah oo naftiisa khatar galiyay ay ugu geysteen koox shufto ah oo la sheegay inay soo abaabuleen masuuliyiin ka mida kuwa Gobolka Togdheer oo qalinka Wariyahan haynwaayay ilaa hadana aan cadaalada la horkeenin.

Axmed sakaaro

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews