Warbixin Shaacisay in 92% Dadka Ku Nool Adduunku ay Qaataan Hawo Wasakhaysan
September 29, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Warbixin la soo saaray toddobaadkan ayaa lagu cadeeyay in 92% dadka ku nool dunida ay qaataan hawo wasakhaysan oo aan nadiif ahayn.
Hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in loo baahan yahay dhaqdhaqaaq hor leh oo lagaga hortago dhibaatadan, islamarkaana si degdeg ah looga hawl galo, warbixintan oo laga soo diyaariyay 3,000 oo goobood ka mida adduunka oo u badan magaalooyin ayaa waxa la xaqiijiyay in 92% dadka ku nool goobahaasi ay qaataan ama neefsadaan hawo wasakh wadata, taasoo saamayn ku leh habdhiska neefsiga ee qofka.