berberatoday.com
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdillahi Cukuse Oo Shaybaadh Xoolaha Lagu Baadhi Doono Oo Lacag Badan Lagu Qaadanayo Layimi
September 29, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Gancsiga  Xoolaha Nool iyo dhoofkooga ayaa sanadihii u danbeeyay waxa sii fuulaya caqabado  culus oo khatar galin kara ka ganacsiga xoolaha.

illa intii xoolaheena dib loo furay ee sucuudigu ogaladay  in xoolaha kasoo dhoofa dekada Berbera ay  iman karaan dalka Sucuudiga  waxaaa dhinac socday dagaal xoogan oo lagu hayay  dhoofka xoolaha Somaliland.

dagaalkan ayaa waxuu ukala baxaa mid tartanka dekadaha  ku yaala mandaqada Geeska Africa , mid suuqa loo iibgeeya ah iyo mid wadamada aynu jaarka nahayba kaga imanaya xoolaha  ka dhoofa dekada Berbera.

sida cadna hoos udhac ayaa sanadkan ku yimid xoolihii la filayay in ay raacaan mooshinka xajka taas oo lagu  eedaynayo

wasiirka xanaanada xoolaha ee hada maamula siyaasada xoolaha Somaliland wasiir Cabdilaahi cukushe.

sida aanu ku helnay xog sugan wasiirku  muddadii lagu dhexjiray dhoofka xoolaha carafada wuxuu  ogalaaday kordhinta qiimaha macjaradu ka qaadaan xoolaha marka ay dhakhtariyaan , wasiir ahaan wuxuu raacsaday 0.3$ doolar cala neef in u qaato wasaarad ahaan {ama shaqsi ahaan} taas oo  ay isla ogalaadeen masuuliyiinta saddexda macjar ee ka hawlgala Berbera.

markii arinkani soo baxay ayaa ganacsatada qaarkood ka caga jiiden fulintiisa waxaana dhacday in saxaafaduna ogaatay arinkiina halkaa ku fashilmo, wasaarada maaliyada masuuliyenteeda ayaana ku amaanan markii ay diiideen lacagtaa wasiirku gaarka u samaystay ama qasnada dawlada haku dhacdo hadii kale maya ayay yidhaahdeen.

Dhinaca kale sharciyada dhoofka xoolaha Somaliland waxuu ku taxaluqaa ogalaanshaha hay’ada xooolaha iyo beeraha ee FOA  shahaadada ay bixiso  laabka ay aqoonsato iyo macjarka u yaalo magaciisa ayaay ku dhoofaan xoolaha Somaliland ee ka dhoofa dekada Berbera.

saddexda maxjar ee Berbera ku yaalaana waxay buuxiyeen dhaman shuruudihii  lagu xidhay xoolaheena  fayo dhawrkooda caafimaad,

waxaase yaab leh koox damacday in yidhaahdaan laab ayaanu keenay casri ah oo xoolaheena baadhaya, mana haystaan  sharciayadii lagu aqoonsan lahaa laabkaa.

wasiirka xanaanada xoolaha Somalialnd Cabdilaahi Maxmaed Xaaji Dahir siyaasada uu ku shaqaynayo ayaa layaab leh.

dhawaanta waxa laab la keenay xarunta haamaha shidaalka sida illo xog ogaali sheegeena waxa la doonayaa in ganacsatada xoolaha lagu qasbo waxan sharci ahayn oo la yidhaa cala neef waxaad bixinaysaan 0.3$ doolar , markaad kasoo baxdaan macjarada ayaad lacagtaa bixinaysaa iyadoo loosoo xidhanayo shaadhka dawlada, lacagtan ayaa waxa ay ku dhacaysaa acount gaara oo ay wada leeyihiin Wasiir Cukushe, Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyo kooxda wadata  mashruucan oo ah niman kenyan Somalilander ah.

waxaana lacagtaa loo kala qaadanayaa si siman,

la soco warbixinaha xaqiiqda ah ee dhibaatada haysata dhoofka xoolaha somalialnd,

warbixntana tan  xigta waxaanu idiinku soo bandhigi doonaa  dhamaan lacagaha ay qaado wasaarada xanaanada xoolaha Somalailnd ee aan ku dhicin qasnada dawlada

 

 

 

Wariye Yasin Jamac Cali

Berbera/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews