berberatoday.com
Xukuumadda Oo La Wareegtay Markab Sida Raashin Caawimo Ah Oo Turkigu Somaliland Kusoo Caawiyay
September 29, 2016 - Written by Berbera Today

markab-raashinHargeysa(Berberatoday.com)-Markab sida raashin mucaawimo ah oo gaadhaya ilaa 5-kun oo ton, ayaa kusoo xidhay marsada weyn ee Berbera, waxan deeqdaas guddoomay xubno sare oo golaha wasiirrada iyo madaxda dekedda Berbera ay kamid yihiin.

Mucaawimadan, ayaa  ahayd mid ay xukuumadda Somaliland hore u dalbatay, kadib markii abaaro darani meelo dalka ka mid ah ka dhaceen, taas oo sababtay inay dad badan gacantooda ka baxaan xoolihii ay manaafacaadsan jireen

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland Md Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) oo ka hadlay munaasibaddii lagula wareegay, ayaa hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyey kaga mahad celiyey deeqda raashinka ah ee uu Turkigu bixiyey,“Deeqdani waxa ay ka dambaysay baaqii madaxweynaha iyo guddida abaaruhu u direen dawladda Turkiga, waxana ay noogu deeqeen raashin gaadhaya ilaa shan kun oo tun oo Daqiiq iyo Sonkor iskugu jira, waana uga mahadnaqaynaa Dawladda Turkiga deeqd ay nasoo gaadhsiisay.”  Ayuu yidhi Wasiir Axmed-Keyse.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo maareeyaha marsada Berbera oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay deeqdani wax weyn ka tari doonto baahida ka jirta Somaliland, gaar ahaan goobaha ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen, waxana la filayaa inay qaybinta deeqdani dhawaan bilaabmi doonto.

Xidhiidh wanaagsan oo dhinaca bixinta deeqaha ayey Somaliland la leedahay dhiggeeda Turkiga, waxana haatan ka hor ay dawladda Turkigu Somaliland ugu deeqday deeq kale oo dhan shan kun oo ton xilli ay abaaro baahsani dalka ka dhaceen.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews