Xukuumadda Oo Xabsiga Dhigtay Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Xuquuqal-insaanka Ahna Sayga Wasiirka Deegaanka
September 29, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiye Ku-xigeenka Koomiishanka xuquuqul insaanka qarranka Somaliland Maxamuud Garaad Maxamed ayaa muddo Saddex maalmood ah ku xidhan Xarunta Danbi baadhista ee loo yaqaano C.I.D ee magaalada Hargeysa.
Warar Xogogaal ah ayaa tibaaxay in Masuulkaasi uu ku xidhan yahay C.I.D waxanay wararku intaasi ku darayaan in Ciidanka Boolisku ka soo qabteen Gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa.