berberatoday.com
Dawlada Maraykanka Oo Ka Hadashay Duqeymihii Ciidamadeedu La Beegsadeen Ciidamada Maamulka Galmudug
September 30, 2016 - Written by Berbera Today

Washinton(Berberatoday.com)-Dawladda Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn ay ka geysatay Gobollada Mudug iyo Jubadda Hoose ee dalka Somaliya , kuwaasi oo  ay sheegeen inay ku bartilmaameedsadeen Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Somaliya.

Hase ahaatee duqeyntii ka dhacday dulleedka magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug ayaa muran weyn dhaliyay, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Mareykanka uu duqeeyay ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.

Afhayeen u hadlay Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka oo lagu magacaabo Jeff Davis ayaa sheegay in laba duqeyn oo todobaadkan ka dhacay magaalooyinka Gaalkacayo iyo Kismaayo lagu beegsaday Al-Shabaab.

“Waxaa Soomaaliya noo jooga koox tiro yar ah oo La taliyeyaal  ah, kuwaasoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda ka taageeraya dagaalka Al-Shabaab, 26-kii bishan September ayaa ciidamada Soomaalida iyo kuwa la taliyeyaasha Mareykanka waxaa soo weeraray Al-Shabaab, waxay sameeyeen weerar is difaacin ah, afar ruux ayayna ka dileen Al-Shabaab”ayuu yidhi Jeff Davis oo tilmaamay in weerarkaas ka dhacay meel ku dhow Kismaayo

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in howl gal dhacay 28-kii bishan magaalada Gaalkacayo, isagoo tilmaamay in hawl galkaas ay hoggaaminayeen Ciidamada Soomaalida, waxaana uu tilmaamay in Ciidamada Soomaalida iyo La taliyeyaasha Mareykanka ay soo weerareen Al-Shabaab.

“Hawl galka labaad wuxuu ahaa habeenkii 28-ka bishan September, waxay aheyd Gaalkacayo Puntland ee bartamaha Soomaaliya, wuxuu ahaa hawl gal ay Soomaalida horboodayeen, oo ka dhan ah argagixisada, si looga hortago kooxda Al-Shabaab oo sameyneysay waxyaabaha qarxa, markii ay taasi sameynayeen koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa soo weerareen Ciidamada Soomaalida iyo koox la taliyeyaal Mareykanka, kuwaasoo halis geliyay nabadgelyadooda, Mareykanka wuxuu ku jawaabay duqeyn, waxaa ka dilnay 9 maleeshiyo”ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka kama uusan hadlin weerarkii Gaalkacayo ka dhacay ay ku beegsadeen ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo in kale, hase ahaatee waxaa uu ku nuux nuuxsaday in weerarkaas ay ku bartilmaameedsadeen Al-Shabaab, kuna dileen 9 ka tirsan Al-Shabaab sida uu yidhi

Wasiirka Amniga Cismaan Ciise Taar-Dhuleed ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in weerarka ka dhacay duleedka Gaalkacayo uu ahaa mid warbixin khaldan ay bixiyeen Maamulka Puntland, isla markaana lagu dilay 20 ka tirsan ciidankooda, waxaa uu sheegay in weerarka ciidankooda lagu soo qaaday ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada Puntland sida uu yidhi isagoo BBC la hadlaya.

Banaan bax lagaga soo horjeedo duqeynta lagu laayay Ciidamada Galmudug ayaa shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo lagu gubay calanka Mareykanka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews