Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Oo Gobolka Maroodi-Jeex Oo Xilkii Iska Casilay+Sababta Isku Casilay. H
September 30, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii xisbiga KULMIYE ee Gobalka Maroodi-jeex Khadar Cabdi Xuseen, ayaa iska casilay xilkii guddoomiyenimo ee gobalka Maroodi-jeex.

Ma jirto war rasmi ah oo uu guddoomiyihii hore ku cadeeyay is casilaadiisa, laakiin warar uu wargeyska Geeska Afrika oo helay ayaa sheegaya inuu dhawaan guddoomiyaha iyo murashaxa KULMIYE u gudbiyay istiqaalad uu xilka kaga degayo.