Qaramada Midoobay Iyo Dawladda Maraykanka Oo Ka Hadlay Weriye Lagu Dilay Magaalada Muqdisho
September 30, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo baadho Dil Magaalada Muqdisho Doraad loogu geystay Alle ha u naxariistee Weriye Cabdicasiis Maxamed Cali oo ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle.
Michael Keating, ayaa si kulul u cambaareeyay dilka loo geystay Weriye Cabdicasiis oo Salaasadii la soo dhaafay koox aan la aqoonsan ku dileen degmada Yaaqshiid ee Muqdisho.
Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Weriyaha. “Dadkii falka geystay lama aqoonsan. UNSOM waxay ugu baaqeysaa Hay’adaha dawliga ah inay ku dedaalaan sidii Dadkii dalkan foosha xun geystay loo hor keeno caddaalada.” ayuu ku yidhi Michael Keating bayaan uu ka soo saaray Magaalada Muqdisho Khamiista Maanta.