berberatoday.com
Agaasimaha Wasaarada Hawlaha Guud Oo Ka Hadlay Shilalka Gaadiidka
October 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimaha Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadidka iyo Guriyeynta Mukhtaar  Maxamed Cali   ayaa ka hadlay shilalka Gaawdhida ee soo kordhaya,  waxyeelada kala duwan ee ay dadka u geystaan iyo qaabka ay u bixiyaan Liisanka Darawalnimada, waxaanu sheegay in Wasaarad ahaan ay qaabilsan yihiin Liisan bixinta balse hawsha shilalka ay ku shaqo leeyihin Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka ee Tarafikada.

1

Agaasimaha Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadidka iyo Guriyenta  Mukhtaar  Maxamed Cali   oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika oo aanu ugu horeyn wax ka weydiinay Shilalka Gawaadhida ee soo kordhaya iyo waxyeelada dadka ay u geysayaan ayaa yidhi “Anagu haddii aanu nahay Wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta, waajibkayaga naga saaran dhinaca gaadiidka waa Liisan bixinta Darawalka, waxaana hadda jira Shan xubnood oo Guddiya, shantaas xubnood ayaa aad uga fiirsada, oo eega Darawalka u qalma in la siiyo Liisanka Darawalnimada, markay hubiyaan ayaanu siina, si yar oo fududna kuma siino, Darawal  aan khibrad lahayna Liisan ma siino, balse waanu ka fiirsanaa oo cidii u qalanta shuruudaha looga baahan yahayna buuxisa ayaanu siinaa”.

Agaasimaha Hawlaha guud mar ka hadlaayey Shilalka dhaca, waxyeelada keenaan iyo cida wax ka qaban karta ayaa yidhi “Anagu markaanu Liiisanka bixino, Ciidanka Nabadgalyada Waddooyinka ayey waajib ku tahay inay hubiyaan Darawalada, oo ay Liisankooda weydiiyaan, sida aynu aragnana Ciidamada Tarafikadu waa kuwaas oo Waddooyinka taagan, waajibkooda shaqana gudunaya, ta kale wixii qoran ee Shil, Dhimasho iyo Dhaawacba waa qadar oo ILLAAHAY ayaa qoray, cidina ba baajin karto, sidaas oo ay tahayna mar walba in taxadir la muujiyo oo Darawaladu deganaan ku wadaan Gawaadhida ayaan soo jeedin lahaa, waxaana kula talin lahaa in cid aan Liisan wadan loo dhiibin Gaadiidka iyo si aanay wax yeelo u iman”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews