“Anigu Waxaan Ahay Musharaxa Madaxweyne-xigeenka Waddani Cid Aan Uga Tanaasulayaana Ma Jirto, Calafkayga Ayaan Sugayaa”Axmed Muumin Seed –
October 1, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Axmed Muumin Seed isla markaana u tartamaya jagada Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Waddani, ayaa sheegay inuu yahay musharax, waxaanu waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu ka tanaasulayo jagadan Musharaxnimo.
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Axmed Muumin Seed oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey halka ay u marayaan hawlaha murashaxa madaxweyne xigeenka xisbigaas, wuxuu yidhi “Anigu waxaan ahay Musharaxa u taagana una tartamaya jagada Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Waddani dhexdiisa, waan isku kalsoonahay, kalsooni baanan ku tartamayaa,kalsooni baan isku soo sharaxay, meel wanaagsana wax wey ii marayaan”.