Booliska Magaalada San Diego Ee Mareykanka Oo Toogtay Nin Madaw Ah
October 1, 2016 - Written by Berbera Today
San Diego(Berberatoday.com)-Booliska magaalada San Diego ayaa baahiyay cajalad muuqaal ah oo muujineysa toogashadii talaadadii loo geystay nin madow ah oo aan hubeysnayn.

Muqaalkaasi ayaa muujinayay labo askari oo la murmaya ninkan madowga ah oo lagu magacaabo Alfred Olango, oo ahaa nin qaxooti ah oo reer Uganda ah, ka hor inta mid ka mid ah labadaasi askari uusan rasaas ku furin ninkaasi.