berberatoday.com
“Haddii Cudurka Kursi Jacaylku Kugu Dhaco, Tawxiidka, Carruurta Iyo Ummaddaba Halkaasaad Iska Dhigeysaa..” Sheekh Aadan Siiro Daawo Muuqal
October 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ku taliyey in Dadka loo Caddaalad-falo isa-markaana Hantidooda loo ilaaliyo.

 

Sheekh Aadan-Siiro oo Khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Dagaalkii Uxud oo Muslimiinta dhibaato badani ka soo gaadhay, ayaa isagoo ku dabaqaya Xaaladda Maanta Somaliland mareyso.

Sheekhu wuxuu sheegay inay jiraan Dad Muslimiinta ka mid ah oo Qaabbabka ay u shaqeeyaan ay guul-daro u horseedayso Dalalka iyo Dadka Muslimiinta ah, “Baadida Ninkaa kula deyda’yi Daalna kaa badan, haddana aan Doonahayn inaad hesho Daa’in Abidkaaye, Dadkuna Moodayaan Duul wada dhashoo Waxba u dahsoonayn..waxa jira Nin ku jira Hoggaannada Muslimiinta, haddana Muslimiinta jebiya, oo aan jeclayn in Guul la helo, macnaha Qaabka uu u shaqeynayo ayaa Dadka Jebinaya oo Dalka Duminaya.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay dhibaatooyinka ka dhasha xukun jacaylka, “Haddii Cudurka Kursi Jacaylku kugu dhaco, waxa la yidhaahdaa Waalli Kursi baa ku dhacday, Tawxiidka halkaasaad iska dhigeysaa, Carruurta halkaasaad iska dhigeysaa, Ummadda halkaas ayaa iska dhigeysaa. Haddaad Mooddo inaad Talada Ummadda adigu leedahay, inaad Dadka Hantidooda leedahay, waa Cudurrada ugu waaweyn ee Bani-aadamka ku dhaca, waxaanu ku siinayaa (kugu kelifayaa) inaad dariiq kasta u marto, ha noqdo Dariiq khaldan, ama ha noqdo Dariiq Saxsane, waxaanad ka indho beelaysaa Wanaagga oo dhan.”

Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay, “Haddii wax aynu ku heshiinay uu Qof innaga mid ahi khilaafo, oo uu wixii uu doono sameeyo, oo wixii lagu heshiiyey faruuro Cid nabad-galaysaa ma jirto. Waar Dalka hala badbaadiyo, Waar Hantida Ummadda hala daayo, waar Ummadda ha loo caddaalad-falo.”ayuu yidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews