berberatoday.com
Madaxweyne Siilaanyo Oo Saxeexay Heshiis Ay Dawladda Imaaraadku Saldhig Ciidan Kaga Dhisanayso Magaalada Berbera, Buqcadda Saldhiga Noqon Doonta Oo La Qorsheeyey Iyo Ganacsade Caan Ah Oo Qayb Dhulkiisa Ah Lacago Loogu Beddelo Doono
October 1, 2016 - Written by Berbera Today

Khubaro Imaaraatiyiin Ah Oo Sahamin Qarsoodi Ah Ku Sameeyey Dhulka Loo Saxeexay Iyo Cidda Ay Noqon Doonaan Ciidamada Halkaas Degi Doonaa.

Madaxtooyada Oo Mar Kale Qalinka Ku Duugtay Qorsheyaal Qarsoodi Ah Oo Isteraatiijiyada Berbera Lagaga Faa’iidaysanayo Iyo Reer Saaxil Oo Bilo Gudahood Buqcad Kale Oo Muhiim Ah Waayi Doona

weftiga-siilaanyo

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar cusub oo ku saabsan waftigii uu hoggaaminayey madaxweyne Siilaanyo eek u sugnaa dalka Imaaraadka carabta, ayaa soo baxaya, kuwaas oo ku saabsan saxeexyo xaasaasi ah oo ay waftigu qalinka duugeen.

Xogaha ku saabsan dhaqdhaqaaqyada waftigan ee soo gaadhaya wargeyska Hubaal, ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo waftigiisu la kulmeen saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda Imaaraadka, kulamadaas oo lagu gorfeeyey arrimo xaasaasi ah oo ku saabsan dekedda Berbera.

Xogaha aanu hayno, ayaa sheegaya in madaxweynuhu qalinka ku duugay heshiis xaasaasi ah oo ku saabsan saldhigyo militeri oo ay ciidamada Imaaraadka iyo sucuudigu ku yeelan doonaan magaalada Berbera, kaas oo dhawaan dhismihiisa la bilaabi doono.

Saxeexa uu madaxweynuhu qalinka ku duugay, ayaa la sheegayaa in wada-hadalkoodu muddo ka socdeen magaalada Dubai, halkaas oo lagu gorfeeyey waxyaabaha saldhigaas loo adeegsan doono iyo cidda degi doonta, iyadoo sidoo kale halkaas lagu rogrogay faa’iidada ugu jirta xukuumadda haatan talada haysa iyo weliba cidda saxeexa samaysay.

Fadhiisinka ciidan ee madaxweynaha iyo waftigiisu u saxeexeen dawladda Imaaraadja Carabta, ayaa xoguhu tilmaameen in la dhaafsaday dano faro badan oo dhinaca maaliyadda ah, kuwaas oo aan daah-furnayn amaba xogtooda la daahay.

Xogaha, ayaa intaas ku daraya in madaxweynaha iyo wasiirrada weheliyaa ogolaadeen in imaaraadku magaalada Berbera ka dhisto saldhigi militeri oo uu danihiisa gaarka ah ka fushado, halkaas oo ay sidoo kale degi doonaan ciidamado ka socda dalalka carabta ee ay imaaraadka wada-shaqaynta leeyihiin, kuwaas oo uu dlaka Sucuudigu kamid yahay.

Saldhigga militeri oo ku fadhiisan doona dhul aad u weyn, ayaa, ayaa goor hore loo qorsheeyey buqcad inta haatan la qorsheeyey ka yar cabir ahaan, balse khubaro ka socda dalka Imaaraadka oo dhawaan si hoose Berbera u yimi ayaa saluugay cabirka dhulkaas oo ay sheegeen inuu ka yar yahay inta ay rabaan, waxana ay dalbadeen in la ballaadhiyo.

Madaxtooyada, ayaa si degdeg uga jawaabtay soo jeedinta khubarada reer Imaaraad ku dalbadeen ballaadhinta buqcadda la siiyey, waxana diyaarad loosoo diray goobta fadhiisinka laga dhigayaa ay qaaday sawirro lagu qoondeeyey cabbirka dhulka loo baahan yahay.

Ballaadhinta dhulkan, ayaa ku fidday dhulweyne uu leeyahay ganacsadaha reer Berbera ee Muuse Xirsi(muuse-dalab), kaas oo xukuumaddu ku qancisay inay lacago badan ugu beddeli doono dhulkiisa, isla-markaana taas beddelkeeda looga baahan inuu dhulkiisa ku wareejiyo xukuumadda si aanu u fashilmin olalaha madaxtooyadu ku doonayso inay inay saldhig militeri dawladda Imaaraadka ka siiso magaalada Berbera, taas oo ugu dambayntiina uu ganacsadahani aqbalay sida aanu xogaha ku hayno.

Sahamin lagu sameeyey carrada goobta loo qoondeeyey in saldhig militeri laga dhigo, ayaa lagu guulaystay, waxana la filayaa in dhawaanahan khubarro ka socota dalka Imaaraadka oo ciidamada cirka u  badani magaalada Berbera yimaadaan, kuwaas oo calaamado gaar ah u samayn doona goobaha lagu wareejiyey ee ku yaalla magaalada Berbera.

Shacabka reer Berbera, ayaan iyagu wax xog ah ka haynin qorshaha cusub ee madaxtooyadu ku saxeexday in  Imaaraadku magaalada Berbera ku yeesho saldhig Militeri, waxana ay madaxtooyadu ku dedaalaysaa inaan xogtaasi dibadda u bixin oo aanay reer Berbera ogaanin.

Qorshaha xukuumaddu ku saxeexday saldhigga cusub ee Imaaraadku ku yeelan doono magaalada Berbera, ayaa boog cusub oo dillaacda ku noqon doona xukuumadda, waxana uu abuuri karaa  fikir cusub ee shacabka reer Berbera kaga horyimaadaan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, maadaama hore loo meelmariyey wareejinta marsada Berbera oo aanay shacabku sinaba ugu qanacsanayn ilaa iyo imika oo golaha Baarlamaanka la mariyey.

Waftiga uu hoggaaminayo madaxweyne Siilaanyo, ayaa habeenkii xalay ka ambo baxay dalka imaaraadka Carabta, waxana ay u jihaysteen dhinaca iyo carriga Ingiriiska oo la filayo inay waftigu kulamo dhawar ah kula yeelan doonaan diblomaasiyiin reer Galbeed ah.

 

 

 

Xigasho Hubaalmadia.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews