berberatoday.com
Shirweynihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo Kaabiga Ina Soo Saaray Iyo Muran Kasoo Kordhay Goobta Lagu Qabanayo Oo Xisbiga Laba U Kala Jabiyey G
October 1, 2016 - Written by Berbera Today

Guddoomiye Seed Iyo Koox Uu Wato Oo Dalbaday In Shirweynaha Borama Lagu Qabto, Cirro Kaadirka Beeshiisa Oo Diidmo Cad Ku Qaabilay.

Diidmada Cirro Oo Qarxin Kara Boogo Hore Oo Reer Borama Kaga Niyad Jabeen Diidmadii Murrashaxnimada Axmed Muumin Seed.

kaadiriinta waddani

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa kaabiga ina soo saaray xilligii rasmiga ahaa ee loo muddeeyey in la qabto shirweynaha  golaha dhexe ee xisbiga WADDAN, kaas oo lagu soo xuli doono murrashixiinta xisbigaas uga qaybgeli doona doorashooyinka madaxtooyada ee qorshaysan 28-ka bisha saddexaad ee sanadka soo socda ee 2017-ka.

Shirweynaha xisbiga, ayaa loo qorsheeyey inuu qabsoomo 10-ka ilaa 11-ka bishan maanta 1-da ah ee October, waxase soo baxaya khilaaf xaraaradiisu sarrayso oo ka taagan goobta lagu qabanayo shirkaas oo kaadirka sare ee xisbigu soo bandhigeen in lagu qabto goobo ay iyagu soo go’aamiyeen.

Wararka ku saabsan shirweynaha xisbiga oo toddobaadyada soo socda qorshaysan, ayaa sheegaya in kaadirka xisbiga oo uu kamid yahay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro soo jeediyeen in shirweynaha lagu qabto magaalada Hargeysa, halka xubno tiro badan oo ay kamid yihiin xoghaye Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, Axmed Muumin Seed, Cabdirashiid Xasan Mataan, Cabdi-qaadir Jirde iyo xubno kale oo xisbiga miisaan ku leh ayaa iyagu soo jeediyey in shirweynaha xisbiga lagu qabto magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal,  waxana weli taagan khilaaf arrintan ka taagan.

Xogaha shirkan ku saabsan ee uu wargeyska Hubaal hayo, ayaa sidoo kale intaas ku daray xubnaha uu inta badan guddoomiye Cirro talada ka qaato ee ay Siciid Sulub, Ex. Wasiir Duur iyo Maxamed Cismaan Fadal kamid yihiin, ayaa iyagu diiday in shirweynaha xisbiga lagu qabto magaalada Borama, iyagoo ku andacoonaya inaanay sinaba macquul u ahayn soo jeedintaasi, maadaama xubno badan oo shirweynaha kasoo xaadiri doonaa ka iman doonaan deegaannada bariga oo ay Ceerigaabo iyo Laascaanood kamid yihiin, kuwaas oo masaafadu ku dheeraan doonto.

Dhinaca xubnaha aragtidan diiddan, ayaa iyagu ku andacoonaya inay muhiim tahay in shirka golaha dhexe ee xisbiga lagu qabto magaalada Borama si loo dhayo boogaha necbaanshaha ee dhawaanahan xisbiga kaga socday gobolka Awdal, maadaama culays badan la saaray xubno uu kamid yahay guddoomiye Seed inay ka tanaasulaan murrashaxnimadooda, taas oo aan weli guul laga gaadhin.

Guddoomiye Seed oo aragtidiisa in shirka lagu qabto Borama taageero badan u haysta, ayaa sidoo kale hoosta ku wata xeelad kale oo ah inuu xoojiyo dooddiisa ah inuu shirweynahaas ka dhextartamo, waxana uu aamisan yahay in haddii shirweynaha Borama lagu qabto ay kaadirka xisbiga ee haatan cadaadiska badan ku hayaa u habran doonaan gooobta la joogo, isla-markaana u si fudud u gaadhi doono himiladiisa ah inuu murrashax noqdo.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa isagu si adag uga soo horjeestay soojeedinta ah in shirweynaha xisbiga lagu qabto Borama, waxana uu taas u arkaa fursad siyaasadeed oo uu Axmed Muumin Seed doonayo inuu ku minjo xaabiyo dedaalka la doonayo in lagaga riixo murrsaxnimadiisa.

Muddada shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, ayaa haatan soo dhawaatay, waxana aan weli la isla meel dhigin deegaanka uu shirkaasi ka dhici doono, balse waxa haatan ay u dhaw dahay in shirkaasi lagu qabto magaalada Hargeysa, maadaama guddoomiye Cirro iyo xubnaha beeshiisa kasoo jeeda ee xisbiga kaadirka u ahi ku adkaysanayaan inaan shirweynaha Borama la geyn Karin.

Shirweynaha xisbiga WADDANI, ayaa haddii lagu qaban waayo magaalada Borama, waxa uu xisbiga ku keeni kara weji-gabax horleh, waxana uu markale dib u qarxin doonaa boogo ka dhashay godobtii siyaasadeed ee guddoomiye Cirro iyo xubno kale oo tiro badani hore uga galaan Axmed Muumin Seed, markaas oo ay u diideen inuu jagada madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga isu soo taago, isla markaana hoosta uga ololeeyeen Aqoonyahan lagu magacaabo Maxamed Cali oo reer Awdal ah, waxana ay taasi keeni kartaa inay gebi ahaanba burburto taageerada xisbigaasi ku leeyahay gobolka Awdal.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews