berberatoday.com
Sucuudiga Oo Mareykanka Uga Digay Dacwadda Weerarkii 2001
October 1, 2016 - Written by Berbera Today

twin-towersJeddah(Berberatoday.com)-Dawladda Sucuudi Carabiya ayaa ugu baaqday aqalka Congress-ka mareykanka in uusan u ogolaan elehada dadkii ku dhintay weerarkii 11-kii September 2001-dii in ay qaadaan tallaabo sharci ah oo ka dhan ah boqortooyada Sucuudiga. Boqortooyadu Waxa ay sheegtay in tallaabadaasi oo lagu suurtagelinayo diidmada Congress-ka uu diiday codkii qayaxnaa ee madaxweyne Obama ku diiday sharciga fududeynaya arrintaasi ay meesha ka saareyso xasaanadda waddamda, Sucuudiga waxa uu intaasi ku daray in tallaabadaasi ay yeelan doonto saameyn xun oo dhanka diblomaasiyadda ah.

Madaxweyne Obama ayaa dhowr jeer ka digay in arrintan ay halis gelinayso askarta iyo saraakiisha mareykanka ee ka howlgalaya dibadda, kuwaasi oo uu sheegay in ay wajihi karaan dacwad. Afhayeen u hadlay aqalka cad ee mareykanka looga arrimiyo Josh Earnest ayaa sheegay in xildhibaanada Congress-ka aysan fahmin cawaaqibka arrintan ka dhalan kara. Balse hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ee Senate-ka Mitch McConnell ayaa sheegay in aysan jirin cid dhab ahaantii diiradda saartay dhibaatada dhanka xidhiidhka caalamiga ah ee arrinta ka dhalan karto.

McConnell ayaa ka mid ahaa tiro xildhibaana ah oo ka tirsan Congress-ka mareykanka oo u codeeyay sharcigan balse hadda rumeysan in sharciga uu u baahan yahay in wax weyn laga badalo. Waxa ayna doonayaan in ay sharcigaasi ay ku koobaan oo kaliya arrinta la xidhiidha weerarkaasi, si ay u yareeyaan saameynta ay arrintan ku yeelan karto dadka Ameerikaanka ah ee dibadda ku sugan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews