“Xorriyadii Aan 25-Sano U Miyir La’aa In Maanta La Yidhaahdo Waa Laguu Taliyaa Xor Ma Tihid Wax La Aqbali Karo….”Axmed Yasin Sheekh Cali Ayaanle
October 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheeekh Cali Ayaanle oo katirsan mudanayaasha aqalka wakiillada ee laga soo doorto gobolka Awdal, ayaa ka hadlay wada-haddallada ay xukuumadda Somaliland la furtay maamulka Khaatumo iyo arrimo kale oo ay kamid yihiiin baaqyada ka imanaya beesha caalamka ee lagaga soo horjeedo kala qaadista doorashooyinka wakiillada iyo madaxtooyyada.