berberatoday.com
Badmaaxiinta Somaliland(Seamanada)Oo Urur Ay Ku Midaysan Yihiin Samaystay Kuna Doortay Gudoomiye Iyo G/Kuxigeen+Daawo Muuqal Iyo Sawiro
October 2, 2016 - Written by Berbera Today

Jeddah(Berberatoday.com)-Badmaaxiinta Somaliland(Seamanska)ee ka shaqeeya Marakaaibta kala duwan ee ka dhex shaqeeya Somaliland iyo wadamada Caalamka gaar ahaan dalalka Khaliijka ayaa ku dhawaaqay inay samaysteen urur ay ku midaysan yihiin oo kashaqeyn doona danaha iyo horumarinta Badmaaxiinta Somaliland oo aan hore ulahayn Urur ay ku midaysan yihiin iyo xafiis shaqeeya toona ururkan oo magaciisa loosoo gaabin doono SDO.

Badmaaxiintan(Seamanskan)Ururka samaystay oo ku sugan dalka Sucuudi Carabiya kadib markii ay halkaas iyaga oo jooga kusoo xidhantay shaqadii daabulka Xoolaha ee Xiligii Arafada ayaa intooda badan ah kuwa ka shaqeeya Maraakiibta Xoolaha daabula ee geeya dalalka Khaliijka gaar ahaan dalka Sucuudi Carabiya oo Xoolaha Nool ee Somaliland aad uqaata

Badmaaxiinta ama Seamanada kasoo jeeda dalka Somaliland ayaa intoodii badnayd ee shaqaynaysay maraakiibta Xoolaha qaadaa kusugan yihiin dalka Sucuudi Carabiya oo iyaga oo halkaas ku Ciiday kadib markii ay dhamaatay arafadii Xoolaha badan lagu daabilaayay dalkaas Sucuudiga lagu geynaayay.

Ururkan ayaa loo magac daray ururka Badmaaxiinta Somaliland waxaana gudoomiyaha ururukaas loo doortay Eng, Cabdirashiid Cabdillahi(Eng, Dixood)Gudoomiye Kuxigeena waxa Loo Doortay Ayaanle Cabdi Mareykan halka Xogahayah Ururkaasna loo doortay Eng. Axmed Mawliid Good waxaana doortay xubnahan Badmaaxiin tiradoodu kor udhaaftay 40 Badmaax oo dhamaantood kasoo Jeeda Somaliland

cabdirashiid-seaman

Waxa kaloo ay iyagana la doortay sagaal Xubnood oo noqon doona Gudida fulinta ee ururkaas iyada oo gole dhexe oo ururkaasi yeelan doono oo 25 Xubnoodana la dooran doono kuwaas oo shirweyne danbe oo dalka gudihiisa lagu qaban doono lagu dooran doono sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha ururkaas doorteen Eng. Cabdirashiid Cabdillahi(Eng, Dixood)waxa kaloo uu sheegay Gudoomiyuhu inuu ururkan doortay si daacadnimo ku jirto ugu shaqayn doono baahiyaha Badmaaxiintana uu dabooli doono intii karaankisa ah isaga oo Xubnihii doortayana ka dalbaday inay la shaqeeyaan oo garab istaagaan sidoo kalena ay aaminaan oo aanay daniyin.

Gudoomiye Kuxigeenka Ururkan Badmaaxiinta Loo doortay Ayaanle Cabdi Maraykan Iyo Xogahayaha Ururkani Yeelan doono Eng. Axmed Mawliid Good ayaa labaduba balan qaaday inay ka shaqayn doonaan horumarinta Ururkan badmaaxiinta Somaliland iyo waliba sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda muwaadiniinta badmaaxiinta ah ee shaqo kasta oo badmaax oo soo baxda sife sharciya uu ugu fuuli lahaa maraakiibta Badmaax muwaadin ah halka ay sheegeen inay wax ka qaban doonaan badmaaxiin aan dalka udhalan oo fara baas kuahaya shaqadii badmaaxiinta Somaliland lahaayeen kuwaas oo Dekeda Berbera maraakiibta ka raaca iyaga oo aan xaq iyo xuquuqtoona ku lahayn dalka sife sharci daro ah dalka kusoo gala kagana baxa,

Ugu danbayntii ayaa xubanaha loo doortay hogaaminta ururkan badmaaxiinta Somaliland ayaa ugu baaqay Xukumada Somaliland iyo haayadaha ku shaqada leh bada inay kala shaqeeyaan sidii ururkani umidha dhali lahaa ee uu uhanaqaadi lahaa sidoo kale waxa iyagana baaq kale ay udireen guud ahaan Badmaaxiinta Somaliland ee kala filiqsan inay ururkan loo sameeyay danaha badmaaxiinta(Seamanada)inay iska soo diwaan galiyaan una diyaar garoobaan qaadhaanka loo jari doono ururka iyo xafiisyada uu ku shaqayn doono.

Warkan waxa aanu kasoo xiganay oo sida nagu siiyay Gudoomiyaha Ururkaasi doortay Eng, Cabdirashiid Cabdillahi(Eng, Dixood) iyo xubnaha kale ee doortay iyo kuwa lala doortay oo lasoo xidhiidhay shabakada Wararka ee Berberatoday.com 

Waa Kuwan Guud ahaan Magacyada Masuuliyiinta Ururka Badmaaxiinta Somaliland Ee La Doortay Oo Isugu Jira Gudoomiye Gudoomiye Kuxigeen Iyo Gudi fulineed Iyo Gole Dhexe

1 Eng Abdirshiid Abdiaalhi Doodle(Eng, Dixood)
2 Ayaanle Abdi Maraykan
3 Eng Axmed Mowliid Good
4 Siciid Cawil Cawad
5 Abdiraxmaa Xuseen Caynaan
6 Khadr Abdi Fees
7-Abdilaahi Maxamuud Maxamed
8 Abdilaahi Maxmed Maxamud
9 Madame Abdilahi Shiine
Golaha dhexe waa 25 xubnood Balsa lix xubnood baa so ku meel gaadha loo doortay
1 Abdirisaaq Ibrahim Abdilahi
2 Cali Bile Caateeye
3 Fuaad ismaaciil Giijiye
4 jamaal Xusen Cali
5 Yusuf Maxamed
 6 Abdirashiid Maxamed Jigjigaawi

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Kooban Oo Gudoomiyaha Ururkani Doortay Kula dardaarmayo Badmaaxiinta Xilka udoortay

seaman3 seaman3 seamanada3 seamane xogahaye ayaanle-maraykan cabdirashiid-seaman

semanada5 seman

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews