Ismaaciil Buubaa Oo Sharaxay Faraqa U Dhexeeya ‘Somali Republic’ Iyo ‘Republic Of Somalia’
October 2, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa sheegay inaanu aqoonsiga Somaliland dhibaato ku ahayn dawladnimada iyo qaranimada dalka Somaliya, balse uu u yahay wax tar.

Buubaa, ayaa qoraalo uu ku baahiyay bartiisa twitterka, waxa kale oo uu kaga hadlay faraqa u dhexeeya Somali Republic iyo Republic of Somaliya, waxaanu isagoo ugu horayn ka hadlaya aqoonsiga Somaliland uu yidhi “Aqoonsiga Somaliland khatar kuma aha qaranimada Somaliya. Wuxuuse geesta kale xoojinayaa dib u heshiisiinteeda, ammaanka iyo dawladnimada.” ayuu yidhi Buubaa, waxaanu isagoo sharaxaya Somali Republic iyo Republic of Somaliya uu yidhi “Faraqa u dhexeeya “Somali Republic iyo Republic of Somalia, waxa weeye Somali Republic waxa ku jirtay taariikh ahaan Somaliland, laakiin Republic of Somaliya weligeed kumay jirin.”