Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
October 2, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyootey qaar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaadhi bom lagu soo xidhay uu ku qarxay Maqaaxi aad looga cunteeyo, magaalada Muqdisho, Sabtidii shalay.
Maqaaxida Blue Sky oo ku taala agagaarkii Tiyaatarkii Muqdisho, iyo xarunta Madaxtooyada ayaa qaraxu ka dhacay, waxaana uu dhacay xili dadku cunteynayeen.
Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar ayaa Reuters u sheegay in dhimashadu ilaa hadda marayso saddex qof, dhaawaca ayuu ku sheegay kuwo intaas ka badan.