berberatoday.com
Qooriga Marsada Berbera Ayaa Isticmalkeedu Bilawday Horaantii Qarnigii 17aad Xiligaasi Oo Badmaaxyada Caalamka Sahamiyay Isticmaali Jireen Doonyihii Dabaysha Ku Socon Jiray ,
October 2, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Dekada Mgaalada Berbera ayaa sida Taariikhda Ku cad Waxay Soo Martay Marxalado kala Duwan

Qooriga Marsada Berbera Ayaa Isticmalkeedu Bilawday Horaantii qarnigii 17aad Xiligaasi o Badmaaxyada caalamka sahamiyay ay isticmaali Jireen Doonyihii dabaysha ku socon Jiray ,

Doonyahan yar Yar Ayaana Labo xili Uun socon Jiray ,Xiliga dabayshu ka Socoto jihada waqooyi iyo xiliga Ay ka socoto jihada Koonfureed, Wayo Injiinkoodu waxuu Ahaa dabaysha,

Dekada Berbera  waxay Soo Martay Marxalado kala duwan Xiliyadii Bilawgii Doonyuhu waxay Istaagii Jireen Bada Dhexdeeda halkaas Ayaana Tunka Lagaga Soo Guru Jiray baayacmush tarkii waqtigaa Iman Jiray o u Badnaa Timir iyo Maryo La Xidho, halak ay Doonyahaasi qaadi Jireen harag ,xaydh iyo Beeyo Aan Badnayn,

Tadawarka Dekadu wuu socday  Waxaana Ku Xigay Dekad xadiid ay Dhiseen Boqortooyadii Cismaaniyiintu xiligii ay Aduunka Intiisa Badan xukumayeen

Waxa Kusii Xigay Ingiriiska o Dhisay dekada yar  e hada Dhaawacu gadhay,

Isbedelka Waayaha dekada   Berbera  Wuu isdaba socday Waxaana Dekada Caalamiga ah e hada la Isticmaalo kala Dhisay wadmada   Ruushka  iyo Maraykanka  Xiliayadii ay la Shaqaynayeen dawladii Milatariga Ahayd e Siyaad bare, Waana 650m

Hadba Waxa Aynu Ku Jirnaa qarnigii Kow Iyo Labaatanaad ,Aduunka aynu Kunool Nahayna halkii Ugu saraysay ayaa Laga gadhay Tiknoolajiyada, Horumarinta Dekadaha ,

Mudooyinkii u danbeeyay waxa dhegaheena Kusoo dhacayay  Heshiiska  Xukuumada Somaliland la gaadhay Shirkada la Yidhaa DP Wolrd o Shaqadeedu tahay  maamulida iyo Horumarinta Dekadaha,,

Mareeyaha Guud e dekada Berbera Axmed Yuusuf Dirir  Ayaana Sharaxaad ka Bixiyay  Waxa u salka ku hayo Heshiiskaasi,  iyo Waxay Somaliland Ka faa,iidi doonto,Waxaanu si Qoto Dheer Uga warmay  Shirkadan DP Wolrd Siyasada ay Ku Shaqayso ,Ma danaystayaal Uun Baa Mise Labada Dhinacba faa,iido ayaa Ugu Jirta,Waxaanu Ku Bilaabay hadalkiisa Maareeye Axmed Yuusuf Dirir Sidan

Arintan Heshiiska Somaliland la saxeexatay shirkadani Waa Mid taariikhda gali Doonta, Shantii Bilood e danbaysay Waxa lagu Guda Jiray Hirgalinta Heshiiska o saldhig u Noqon Doona Harumarinta Dekada Berber,Loona Gaadhsiin Lahaa Dekadaha caalamka Khaasatan Kuwa Ku yaala mandaqadfan aynu Kunoolnahay,

Maareeye axmed yuusuf Isagoo hadalkiisa Siiwata waxa u Yidhi,

Bishii Ogoust dabayaqadeedii illaa Horaantii Bishii September Ayaanu Dubai u tagnay in aynu Soo Afjarno Heshiiska Riyada Mutaqbalka dekada Berberana u rumayno, Illaahay ayaa Mahadleh Waxaanay Noogu Dhamatay si Guul,leh

Waxa la Iswaydiinayaa Dp Wolrd waa ayo, maxay Inaga Doonayaan Markay Timaado siday Noqon Doonta xaalada Dekada iyo Mushtamaca Reer Somaliland e u Shaqa taga, Maxayse Inagu Soo Kaordhin Doontaa,

Maareeye Axmed Isagoo La hadlaayay Boqolaal Reer Berbera ah o Isugu Jira aqoonyahano, Dhalinyaro Odayaal Waxa U Sharaxay Shirkadan Heerka ay caalamka ka Joogto,

DP WOLRD Waa Shirkada caalmaka Ugu Horaysa Ama Ugu wayn Kuwa Maamula Dekadaha Caalamka,

Shirkadai waxay Maamushaa 77 dekadood o Ku kala yaala daafaha caalamka Waxaana u saamaxay in ay Dekadaha caalamka Inta Ugu badan Maamusho wa Horumarka iyo Maamulka wanaagsan e ay Ku samayso Dekadaha, Waxa Hubaala in Boqolaal dekadood o caalamka Ku yaalaa ku hamiyayaan in ay Mar uun Heshiis La galan Shirkadan DP WOLRD e aynu Jaaniska u Helnay,

Waxaan u arkaa In Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo u la yimid Hogaamin Horumarineed Jaaniskii Soo Marayna u Uga faa,iideeyay Umadiisa,

Mareeye Axmed Yuusuf Dirir Waxa u Iftiimayay in Labada qaybood e eay lka Koobantahay Dekada Berbera ay kala sameeyeen Labada wadan e Ruushka iyo maraykanaku, manya Ahayn Ayuu Yidhi Shirkado Maalgashi e Waxay Ahaayeen Dawlado kaga Faa,iidaysanaayay dagaalkii qabooba e waqtigaa Socday

Waxaan Idin xasuusinayaa  650m e ay inoo Dhiseen Labadaa quwadood in aan wax dayactir ah aanay Hellin ,46 sanadood Ayaan ka danbaysay Xiligii laynoo Dhisay,

Waxa Lasoo gaadhay Waqtigii aynu Aduunka la Jaan qaadi lahayn kana fa,iidaysan lahayn DP Wolrd

Hadba Waa Maxay sababta Ay DP Wolrd Inoo Dooratay, Jawaabtu Waxa Weeye Bugcada Aynu Kaga Naalno Bada Cas o Istiraatiiji ah, Waa Marinka Bariga Fog iyo Galbeedkaba  Ay Iskaga Gudbi Karaan ,

Waxa UU Tilmamaay Maareeye Axmed In transit ship ka ugu badan Caalamka Lagu sameeyo Dekada salaala e Cumaan, Tusaale Ahaan Maraakiibta Ku Xidhata Salaala o Cumaan ah waxa Ay Sidaan 15% Ayuunbaa Cumaan gala Inta kale Waa Transit

Maareeyuhu waxa u Tilaamay in Berberi Kaga haboon tahay Dhinaca Transitka Laakiin Iyagu Waxa y ka faa,iidaysteen Jaaniska Ay Helleen,

Dekada  Berbera Waxa Iminka Kasoo Dega sanadkii Illaa 40,000 oo Koonteenar, Laakiin Shirkadan DB Wolrd Dekadaha Ay Maamusho Waxa sanadkii Kasoo Dega 11milyan oo koonteenar, Ganacsigii Dunida ukala Gooshayayna Wuxuu Isku Bedelay Koonteenar Ship,

Maareeye Axmed o Tilmaamaya Qorshaha DP WOLRD Marka Ay Dhisaan Dekada Berbera Wuxuu Yidhi

 

Sanadkii Waxa Loo Qoondeeyay Dekada Berbera In Ay Kasoo Degaan 1250 ,Milyan Labo Boqol iyo Konton Koonteenar, Taasi waxay Tusaale u tahay Korodhka u u Dhaqaalaheenu Kordhi Doono

Shaqaalaha ama dadka ka Dheefsada Iminka Dekada Berbera Cel Celis Ahaan Waa Illa Toban kun oo Qof, Waxa La Filayaa Illaa Boqolkun oo Qof In ay Shaqo ka Heeli Doonaan,Marka Laga Bilaabo Inta u Dhaxaysa Dekada  Illaa wajaale,

Qiyaas male Dhinacyada badan e Looga faa,iidaysan Doono kargooga taraasitka ah,

Gaadiidka, Kaalamaha Shidaalka, xataa Dhamaan Tuulooyinka u Marayo taraansitku faa,iido Ayaa Kasoo gali Doonta,

Arinka Ugu Yaabka badani Wuxuu yahay  Somaliland o Kalsooni  ka Heshay Caalamka, Waayo Waxa Laynagu aaminay Heshiis 30 sanadood ah ,o Malaayiin Doolar Lagalin Doono Dekadadeena, Tani Waa Aqoonsi,

Muhiimada Heshiiskani Mid Meel Ku Istaagaya Maaha, Marka Ay Dhameeyaan Dekada 400m ah  e Isticmaalkeedu gaadho 75% kiiba waxa La Dhisi Doonaa 400m oo Kale

Khuburada Odarasta ganacsiga iyo Dhaqaaluhu waxay Iftimiyeen in sanadka 2022 illaa2023 ka ay dekadani  isticmaali karaan wadmada geeska Africa qaarkood sida soodaanta koonfureed iyo wadmada aan bada Lahayn  e Ku Gedaaman dalka Ugandha,   taargatkeenu Maaha oo kaliya Ethiopia o Qudha,

Fursada kale e u Tilmaamay Maareeye Axmed Waxa u Sheegay in Free Soon ka o kaliya Kumanaan Qof u Shaqo tagi Doonaan, waayo Boqo kambani o kaliya haday Soo Degaan Somaliland o Dhan ayaa usoo Shaqo tagaya

Maareeyaha Dekada Berbera Axmed yuusuf o ah Nin Mudo 17sano ah ka shaqaynayay Dekada Berbera  Horena Maareeye Uga Soo Noqday Dekada ,Waxyaabaha Lagu xasuusto Mudadadaa Horana waxa Ugu Mudan Jaangoynta  dariiq u Furay o lagu Hormarinayay Dekada o kamid Ahaayeen Barxada Koonteenarada e Wajaale o u Siwayn Usii balaadhiayay maareeyihii Hore cali nXoor Xoor,

 

Diyaariye wariye Yassin Jama Ali

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews