“Waa Inaan Telefishanka Qaranka Laga Samaynin Xayeysiis Waxbarashada Ku Saabsan, Waayo Waa Dhalanteed Dumarka Iyo Carruurta Lagu Qaldaayo.” Wasiirka Waxbarashada Cabdillahi Dheere
October 2, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta saree e Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habbane, ayaa walaac ka muujiyey muunad-baxa ku dhacay waxbarashadii Somaliland iyo sida ay tayadeedii u siinad baxday.

Wasiir Cabdilaahi Dheere oo ka hadlayey madal lagu furayey jaamacad cusub oo kusoo biirtay jaamacadaha dalka ka jira, ayaa sheegay in qiimihii waxbarashada ay meesha ka saareen jaamacado iyo dugsiyo gaar loo leeyahay oo qasdigoodu noqday sidii ay tirada ardayda oo kali ah u badsan lahaayeen, isla markaana aan tayada dan ka lahayn.