berberatoday.com
“Anigu Bal-wad Ma Lihi Waligayna Khamri Ma Cabin, Faysal-na Anigu Qod-qodi Maayee Wuxuu Cuno Iyo Wuxuu Cabo Waa La Yaqaan”Musharax Jamaal Cali Xuseen
October 3, 2016 - Written by Berbera Today
“Faysal hunguri ma hayo isaguna inaanu guulaysanayn wuu iska ogyahay, laakiinse Muuse Biixi ayay qandaraas ku wada jiraan oo ku yidhi Jamaal ayaa iga badinayee adigu isa soo sharax oo Murashax waraabe u taag ah noqo, kadibna anigu aan kaa guulaysto marka aan Madaxwayne noqdo adigana Guddoomiyaha golaha guurtida”.Musharrax Jamaal cali xuseen

jamaal-mushHargeysa(Berberatoday.com)-Murashaxa Madaxwayne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe kuwaasoo uu qaar ka mid ah ku weeraray shakhsiyadda Jamaal, halka uu dhanka kalena sheegay inuu yahay Murashax Madaxwayne oo UCID ka tartamaya.

 

faysal-cali-waraabe

Jamaal Cali Xuseen ayaa ugu horayn ka hadlay ansixinta heshiiskii labada dhinac wada galeen ee ay maxkamadda sare amarka ku bixisay oo uu sheegay inuu Faysal Cali Waraabe waji kale u yeelay, waxaana uu yidhi:

“Horta Faysal shan sanadood ayuu ii hanjabayay aniguna iminka ayaaban ugu wanaagsanahay oo xukun maxkamadeed ayaan haystaa waliba maxkamaddii dalka ugu saraysay  oo maxkamaddu heshiiskii fuliya ayay nagu amartay, markaa qofka yidhi dambi ayaan gali doonaa waxaa la xukumi karaa uun marka uu dambiga galo, cadaaladiina way hadhsan tahay oo shirka heshiiska lagu ansixinayo marka laga soo baxo  ayay cadaaladdu soo baxaysaa, maxkamaduna heshiiska way adkaysay oo waxay tidhi heshiiskii hala ansixiyo xitaa waa la diidi karaa maaha, waa ha la ansixiyo” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo waraysi gaar ah siinayay wargayska Somalilandtoday.

Sidoo kale Jamaal Cali Xuseen oo uu wargayska Somalilandtoday waydiiyey in heshiiskan la laali karo ayaa sheegay inaanu heshiiskani dood gali karin sida uu Faysal u dhigay, balse waxa uu ku adkaystay haddii heshiiskani suurogali waayo inaan Guddoomiye-nimada Faysal sharci noqonayn, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Maya walal, heshiiska lama laali karo Faysal-na meesha wuxuu ka dhigay sidii baarlamaanka, maxkamaduna waxay amartay in heshiiska la fuliyo in la fulin doonana waanu ku kalsoonahay oo dadka ergada ah ee shirka imanayaa waa dad ilaahay ka baqaya oo sida Faysal u dan ah samayn maayaane sida xisbiga u dan ah ayay samayn doonaan, hadiise heshiiska la fulin waayo Faysal-na guddoomiye ahaan maayo waayo maxkamaddu waxay qirtay inaanu laba garab ahayn, markaa haddii heshiiska la fulin waayo maxkmaddii ayaa la iskula noqonayaa”  Jamaal oo ka hadlaya Murashaxnimada Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu yidhi:

“Faysal hunguri ma hayo isaguna inaanu guulaysanayn wuu iska ogyahay, laakiinse Muuse Biixi ayay qandaraas ku wada jiraan oo ku yidhi Jamaal ayaa iga badinayee adigu isa soo sharax oo Murashax waraabe u taag ah noqo, kadibna anigu aan kaa guulaysto marka aan Madaxwayne noqdo adigana Guddoomiyaha golaha guurtida ayaan kaa dhigayaa, markaa mashruuca noocaas ah ayaa Faysal ka hadlinaya, haba se ahaatee haddii aan anigu u dayn lahaa oo uu Murashax noqon lahaaba dee Sharciga xisbigu ma ogola oo xeerku wuxuu dhigayaa in Murashaxa iyo Guddoomiyaha xisbigu kala gaar yihiin, mid kalena way jirtaayoo Maxkamaddu heshiiska ay adkaysay ee hala ansixiyo ay tidhi wuxuu dhigayaa inuu Faysal Guddoomiye yahay aniguna aan Murashax ahay, markaa meeliba uma banaana Faysal”.

Jamaal Cali Xuseen ayaa sidoo kale ka hadlay aflagaado uu sheegay inay kaga timi dhinaca Faysal oo hordhaca waraysi uu dhawaan bixiyey Jamaal ku sifeeyey qof aan dalka hanan karin isagoo sidoo kalena dhaleeceeyey shakhsiyadda Jamaal iyo hab-dhaqankiisa, waxaan uu Jamaal oo arrinkaas ka hadlayay uu yidhi:

“Faysal hadalka ka soo yeedhay ee uu aniga igu durayo waxaan u arkaa mid deelqaaf ah, anigu Balwad ma lihi waligayna Khamri ma cabin Faysal-na wuxuu yahay waa la yaqaan oo anigu inaan qod-qodo ma doonayo laakiin dadku wuxuu cabo iyo wuxuu cunaba way yaqaanaan, hadalkaas ka soo yeedhayna laba mid ayuunbaan u arkaa inay cadho ka keentay oo wuxu u muuqday nin guuldaraystay iyo inuu Muuse Biixi ka dhex hadlayay oo wax lagu soo shubay”

Ugu dambayn Jamaal Cali Xuseen, Murashaxa Madaxxwayne ee xisbiga UCID, ayaa ka hadlay taageerada uu bulshada Somaliland ka haysto, waxaana uu sheegay inay guushiisu ilaahay u taalo isaguna uu Sharciga dugsanayo balse uu kalsooni ku qabo shacbiga Somaliland, waxaana uu yidhi:

“Horta anigu inaan soo baxayo iyo codkaan helayo ilaahay ayaa haya aniguna cadaaladda ayaan magan u ahay, laakiin shacbiga Somaliland ayaaba aniga iyo Faysal na kala saaray, tusaale ahaan qiimayntii la sameeyey ee ay qurbajoogta Maraykanka ku dhaqan gaar ahaan Minipoles sameeyeen Faysal wuxuu ka mid noqday tobanka qof ee Somaliland ugu musuq-maasuqa badan halka aan aniguna ka mid noqday tobanka qof ee Somalland ugu wanaagsan, markaa anaga shacabka ayaa na kala saaray, laakiin waxaan la yaabay abaal ka dhaca Faysal Cali Waraabe, xisbigas uu marba maxkamad la tegayo aniga ayaa la soo saaraye lama arkeen, Faysal 15 sano ayuu soo taagnaa oo 15% ayuu dhaafi waayay aniguna markii aan imi Berbera kaalin aanu Faysal waligii ka gelin ayaan ka galay Gabiley-na 17,000 oo cod ayaan ka keenay, xildhibaanada UCID golayaasha deegaanka ugu jira 85% aniga ayaa soo saaray inta kalena waa isaga reerkooda (iyo wax nasiibku soo saaray), markaa inaan taageero leeyahay waaba la arki doonaa, mida kale haddii aanan taageerayaal badan oo shacbiga ah haysan layma qab-qabsadeene waa la iska kay dayn lahaa oo waxaa la odhan lahaa kolay waa laga badinayaa ee kan inaga daaya laakiin canjarafayntaas la ii gaysanayaa taageeradayda ayay muujinaysaa ayaan odhan karaa.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews