Bilyaneer Itoobiyaan Ah Oo Ku Geeriyooday London Ee dalka Ingiriiska
October 3, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ganacsadihii ugu lacagta badnaa Dalka Itoobiya Maxamed Al Amoudi ayaa shalay oo Sabti ah ku Geeriyooday Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Warbaahinta Maxaliga ah ee Ingiriiska ayaa sheegay in Maxamed Al Camuudi uu maalmihii u dambeeyay baadhitaano caafimaad u joogay magaalada London.
Waxaa la sheegayaa inaan la garanayn sababta uu u geeriyooday Ganacsadahan oo 70 jir ahaa Balse Baadhitaano lagu sameynayo Maydkiisa, Salaasadii hore ayay warbaahintu qortay inuu Geeriyooday Maxamed Al Camuudi oo Asal ahaan kasoo Jeeday Dalka Sucuudiga, waxaana uu haystay Dhalashada Itoobiyaan ah ,