Daawo Muuqalka”Siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga Oo Ka Jawaabay Su,aal Laga Weydiiyay Xisbiga Ay Ku Biirayaan Iyo Xadhiga Wariye Axmed Sakaaro Oo Ay Xaaraan Ku Tilmaameen
October 3, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madasha wadashiga iyo toosinta qaranka Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay ka hadleen in uu jiro wararka sheegaya in ay ku biirayaan xisbi mucaaridka ah Waddani .
Muj.Xassan Guure gudoomiyaha madasha ayaa waxaa uu sheegay in aanu jirin xisbi ay go,aansadeen in ay ku biiran isla markaana aanay u muuqan xisbi ay ku arkaan mid ay ku biiri karaan .
Sidoo kale muj.Xassan Guure ayaa waxaa uu tilmaamay in mustaqbalka xisbigii ay u arkaan in uu dalkan dantiisa wado ay ku biiri doonan balse wakhti xaadirkan aanu u muuqan xisbigaasi