|
berberatoday.com
Dhedo Roob Noqon Weydey Baan ku idhi Madaxweynaha. (Ina Af-madoobe) Qalinkii Hasman Suleiman
October 3, 2016 - Written by Berbera TodayIntii Madaxweynaha iyo waftigigiisu ku sugnaayeen UAE, ayaa odeyaa lculus oo reer Somaliland ahi booqasho ugu tageen, mid odeyaasha ka mid ah baa si gaar ah ugala sheekeystey madaxweynaha arrimaha doorashooyinka iyo kala qaadista ta wakiilada iyo madaxtooyada. Madaxweyne hadii aad kala qaadey labadii doorasho, deeq bixiyeyaashiina aanay doorashan keligeed diyaar u aheyn, diyaar dawladaadu ma u tahey bixinta kharashka iyo damaanad qaadka waqtiga doorashada madaxtooyada? Madaxweynihii wuxu yidhi, horta kharshkaas 100% in aanu wada bixino talada iyo miisaanida noogumey jirrin, hadda waxaan dooneyaa in aan kommssionka doorashada ka codsado lix bilood oo farasamo dhaqaale lagu ururin ah in aanu guurtida u wada gudbino, dhaqaalaha qurbo joogtiinana waa laga rabaa ee qeybtiina soo bixiya, ileyn qorshsha noogumey jirrin hadii kharashkaasu inagu soo baxsado, Ma bilaa qorshe ayaad dalka ku maamushaan? Buu hadana weydiiyey madaxweynaha. Waxa u ninkaas odeyga laga soo wariyey in aanu madaxweynaha kala xishoon in u runta u sheego kuna yidhaahdo, Ahmedow Dhedo Roob Noqon Weydey ma Maqashey? Madaxweynuhu inta u eegey buu aamusey, dhedodaas baad ku noqotey Somaliland baan ku ku yidhi madaxweynaha ina af-madoobe.
Qalinkii Hasman Suleiman COMMENTS
|
||||
|