“Hadii Balamo Laga Baxo La Sheegayo Waxa Ay Ila Tahay Ilaa Halgankii Hadii La Baadho In La Soo Heli Doono Boqolaal Balamood Oo Uu Ka Baxay Muuse Biixi Ilaa Halgankii Iyo Intii Uu Dalka Xilalka Ka Hayeyba “Gudomiye Ciro
October 3, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo wareysi siiyey Wariye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan saxafiyiinta Horn Cabl Tvayaa waxaa uu ka hadley kulankii maanta xisbigiisu la yeeshay siyaasiyiinta isbaheysiga Kulmiye
Muddane Ciro waxaa uu sheegay in kulankan maanta xisbigiisu la yeeshay siyaasiyiinta isbaheysigu uu ka mid ah kulamadii hore ee u socdey labada dhinac isla markaana ku soo biiritaanka isbaheysiga Kulmiye uu xisbiga Waddani u noqon doono guul taariikhi ah