Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dowladda Itoobiya ayaa qirtay iney dad ay ku dhinteen rabshado ka dhacay magaalada Bishoftu oo ka tirsan gobolka Oromiya.
Rabshadaha ayaa bilowday markii dad ka qeyb galayey caado diimeed ay mar kaliya bilaabeen iney sameeyaan mudaaharaad ay kaga horjeedaan dowlada.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka Oromada ee OFC Merera Gudina ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in dadka dhintay ay u geeriyoodeen isbuurasho goobta ka dhacday, kadib marki ay ciidamada booliska rasaas cirka u rideen si ay u kala eryaan dadka mudaaharaadayey.