berberatoday.com
“Sax Ma Aha In Mar Kale SNM Magaceeda Laga Dhigto Maqaarsaar Lagu Galo Ololeyaal Doorasho.”.Agaasimaha Guud Ee Star Tv Maxamed Baashe X.Xasan
October 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimaha Talefeeshanka Star Tv ee laga lee yahay Somaliland Md.Maxamed Baashe X.Xasan, ayaa si cad u weeraray dadka dugsada magaca  ururkii dhaqdhaqaaqa xornimo doonimada umadda Soomaaliyeed ee SNM, waxaana uu ka digey in laga dhigto magac maqaarsaar ah oo lagu galo ololeyaal Doorasho isaga oo tilmaamay in umaddani ay si qaran ugu heshiisay in ay wada-dhistaan qaran ay wada lee yihiin balse aanay mudneyn in kuwii soo halgamay ay dadka kale ka xigteystaan Somaliland iyo SNM ba.

Agaasime Maxamed Baashe X.Xasan, ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu ku baahiyey baraha Internet ee Warbaahinta Somaliland, isaga oo carabka ku adkeeyey in dastuurka Somaliland uu xuquuq iyo xaq gudboon uu u wada dammaanad qaaday agoontii SNM iyo weli ba agoontii SNM aabbayaashood dishay(Faqash).

Qoraalkaas oo aad u dheera, waxa uu u dhignaa sidan:

Sax ma aha ayaan dareemayaa in SNM magaceedii maanta na mar kale laga dhigto maqaarsaar lagu galo ololeyaal doorasho, oo cid gaar ah lagu siiyo xuquuq gaar ah, cid kale na lagaga deedafeeyo xuquuq iyo xaq ay leedahay oo dastuuri ah.

SNM iyo halgamayaashii ka midka ahaa waxa ay soo guteen waajibkoodii. Midhihii halgankeeda ka dhashay waa Somaliland, oo ay wadaagayaan xoogaggii SNM taabacsanaa iyo xoogaggii ka horjeeday ama dhexda ba ka ahaa.

Somaliland waxa wada yagleelay labadaas xoog oo in ay xuquuq iyo xaq siman oo muwaaddinnimo yeeshaan isku afgartay oo dastuur iyo shuruuc taas ku xardhay, hoosta na ka xarriiqay heshiis wax wada wadaag.

Dastuurka Somaliland waxa uu xuquuq iyo xaq gudboon u dammaanaqaadayaa agoontii SNM iyo agoontii SNM aabbayaashood dishey.

Sidaas awgeed ayaanay sax ugu muuqan karin in lagu doodo in hebello SNM ahaa sida aniga oo kale Maxamed Baashe ahaan la siiyo xaq iyo xuquuq aan kaga sadbursanayo kii aan weligii SNM noqon ama ka ba horjeeday ee aannu maanta calanka Somaliland wada hadhsanayno ee uu naga dhexeeyo, annaga oo laba muwaaddin ah.

Aragtida SNM-ayntu waa dib u noqosho iyo dib u socod aan waxtar lahayn oo ma dhalays ah.

SNM waa taariikh mudan ixtiraam iyo kaydin si wax looga barto saxnaan iyo khaladkeedii ba, ma se noqon karto hal-ku-dheg siyaasadeed oo soo noolaada, oo boodhka laga tuntumo xilliyada doorasho soo fool yeelato.

Ma noqon karto card markii olole doorasheed soo dhowaado ba jeebka laga la soo baxo oo dadka lagu beerlaxawsado, si taageero loogu helo.

Mujaahid hebel muxuu mujaahidnimadiisii uu SNM ku ahaa oo keliya ugu soo kordhinayaa maanta Somaliland 25 sannadood ka dib, oo aanu keeni karin mid aan weligii ba noqon SNM oo Somaliland maanta ka mid ah, una diyaar ah inuu daacadnimo iyo xilkasnimo ugu adeego dalkiisa iyo dadkiisa, oo aqoontiisa iyo kartidiisa wax ugu qabto?

Ma SNM muu ahayn baa nuqsaan iyo liidnimo ah?!

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), madaxweynaheenna haddu ba, saw SNM ma ahayn, dee muu burhaantiisa mujaahidnimo, SNM-nimo inagu barwaaqeeyo?! Illayn is ba shalay waa kii sidaas ku olole galaye!

Yaynaan dadka waddo qardajeex ah oo qodxaan badan u horseedin.

SNM ma aha qorshe iyo barnaamij doorasheed ee waa magac taariikheed. Nin kasta oo xil ummadda ka doonaya oo magacaas maqaarsaartaa, waxa aad ogaataan in aanu wax ba Somaliland u soo wadin, waayo waxa aanu hayn baa la odhan karaa qorshe iyo barnaamij siyaasi ah oo uu dadka ka iibiyo, si loo taageero, oo taas baa keenaysa inuu isla soo mutuxo halqabsi aan wax ba gudihiisa ku jirin.

SNM magaceeda ha looga tudho ololayaasha siyaasadeed iyo awr-ku-kacsiga ku-meel-gaadhka ah.

Noo keena aan idin taageerno’e qorshe iyo barnaamij ka dhex muuqda sida muraayadda quluubtiinna, laabihiinna, dhaqankiinna, ficilooyinkiinna, garaadkiinna, hadalkiinna, khudbadihiinna, doodihiinna, socodkiinna, fadhigiinna, sarajooggiinna, riyadiinna, khuuradiinna iwm.

Haddii kale cuskashada magaca SNM iyo ku eerashada reeraha badda kula dhaca kollay ba inta badani idinka ma iibsanayso maanta eh!

Dadku maaha kii hee

damdamtiyo mashxaraddiyo

Ku burburay durbaannada,

Ka il-baxe duruustaas!

DHAMMAAD.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews