Taliyaha Sirdoonka Somaliya oo 1500 Hawlwadeena ka Eryay Shaqadii Sirdoonka
October 3, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliyaha Sirdoonka ee Soomaaliya Jeneraal Cabdillaahi Gaafow ayaa xilal ay hayeen ka qaaday ilaa 1,500 oo ka mid ah hawlwadeennada sirdoonka ee dalkaasi. Sida lagu sheegay warbixin lagu baahiyay shabakadda wararka ee AllAfrika, taliyaha sirdoonka ee Soomaaliya wuxuu ku sababeeyay xil-ka-qaadista masuuliyiintan inay ku guuldarraysteen gudashada waajibkooda ee la xidhiidha amniga.
Warbixintan waxay intaa raacisay in uu Cabdillaahi Gaafoow sheegay in sidoo kale xil-ka-qaadistani ay qayb ka tahay dardar-gelinta hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, isla markaana uu qorshaynayo in beddelkooda la keeno masuuliyiin iyo xubno firfircoon oo door mug leh ka qaata la-dagaallanka kooxda Alshabaab iyo gudbinta xogaha la xidhiidha.