berberatoday.com
Warbixin Ku Saabsan Xaallada Magaalada Xallab Ee Colaaduhu Ragaadiyeen
October 3, 2016 - Written by Berbera Today

Dimishiq(Berberatoday.com)-Ruushka iyo Suuriya ayaa xoojiyay duqeymaha ay la beegsanayaan magaalada Xalab ee go’doonsan islamarkaana  ay gacanta ku hayaan mucaaradka, iyagoo ku qasbay in la xidho cisbitaalka kaliya ee ku yaalay magaalada, markii la duqeeyay todobaad gudahood.

Illaa labo foostooyin ay ka buuxaan bambooyin uu  diyaarado dagaal laga soo tuuray ayaa lala beegsaday Isbitaalka, xilli lagu daweynayay dad tiro yar.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta caafimaadka.

Isbitaalkan ayaa ahaa isbitaalka ugu weynaa ee magaalada ka furnaa, tan iyo markii uu xoogeystay dagaalka iyo duqeymaha ka socday magaalada.

Qeybo ka mid ah bariga magaalada Xalab ayaa waxaa ka socday dagaalo xooggan oo u dhaxeeyay mucaaradka iyo ciidamada dowladda Suuriya.

 

Magaalada Xalab waa caasimada Labaad ee dalka Suuriya ee ay maasheysa Colaadaha ka Bilaabay Bariga Dhexe 2011kii.

Dalka Suuriya waxaa si wayn ugu dagaalamay Kooxaha Islaamiyiinta ah iyo Xukuummada Dalkaasi kajirta ee uu hogaamiyo Bashaar Al Asad.

Khubarada ka faalootaa Siyaasada Ayaa sheegaysa in dalka Suuriya uu noqday Xarun dagaal oo ay awoodahooda kusoo bandhigaan dawlada Maraykanka iyo Ruushka oo xafiltan dhinaca siyaasadi ka dhaxeeyo.

 

Xallab waxaa Todobaad kasta ku Geeriyooda Kumaanaan Reer Suuriyaha waxaana la sheegayaa in badi caruurta magaaladaasi ku nooli ay lasoo daristay xaalada Caafimaad daro oo dhinaca maskaxda taasi oo ay sababtay tahay qoryaha iyo dagaalada ku baahay ee ka jira dalkaas.

Qaramada Midoobey ayaa loogu baaqay inay soo fara geliso xaalada Suuriya oo faraha ka sii baxaysa, waxaana todobaad ka hor bur bur ku yimid heshiis xabad joojin ahaa oo ay ka soo shaqeeyeen Mareykanka iyo Ruushka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews