berberatoday.com
Boqortooyada Saudia Arabia Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Zamzam Cabdullahi
October 4, 2016 - Written by Berbera Today

Riyadh(Berberatoday.com)-Xukuumada Sacuudiga ayaa maalintii shalay aheyd xukun dil ah ku fulisay Haweeney u dhalatay dalka Itoobiya oo lagu helay inay gabadh yar oo Sacuudiyaan ah qudha ka jartay.

boqor

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in xukunka dilka ah ee Zamzam Abudllah Boric oo ka dhacay magaalada Riyadh uu yimid ka dib markii lagu cadeeyey inay qoorta ka goysay oo ay dishay gabadh yar oo meydkeedana ay Suuliga ku qarisay.

Dilkan ayaa noqonayaa kii 124-aad ee dowlada Sacuudigu sanadkan oo kaliya ku fulisay dad isugu jira ajnabi iyo muwaadiinin dalkaas u dhashay, waxaana dadka la dilay ku jira 37 ruux oo maalin kaliya madaxa laga gooyey ka dib markii lagu helay dembiyo ay ka mid ahaayeen argagaxisonimo.

Marka laga soo tago dalalka dalalka Iran iyo Pakistan wadanka Sacuudiga ayaa noqday dalka saddexaad Aduunka ee fuliya xukunada ugu badan ee dilka ah sida ay sheegtay hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International.

Haweenka afrikaanka ah sida kuwa Itoobiya, Soomaalida iyo kuwo kale ayaa shaqooyin u doonta dalka Sacuudi Arabia, iyagoo badankood jaariyado ka noqda guryaha.

Dadka lagu helo dambiyada ay ka mid yihiin dilka, Soo gelinta daroogada, burcadnimada hubeysan, kufsiga iyo kuwa ku dhawaaqa iney diinta Islaamka ka baxeen ayaa dowlada Sacuudiga waxay dilkooda ku fulisaa Seef madaxa looga jaro.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews