berberatoday.com
Carwo Dhaqanka Soomaalida Ah Oo Lagu Soo Bandhigay Jaamacadda Karachi Ee Dalka Pakistan
October 4, 2016 - Written by Berbera Today
Carwo Dhaqanka Soomaalida Ah oo lagu soo bandhigay Jaamacadda Karachi ee dalka Pakistan

Karchi(Berberatoday.com)-Xaflad ballaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen Ardayda Soomaaliyeed ee Wax-ka-barta Jaamacadda Karachi ee dalka Pakistan, ayaa lagu soo badhigay Dhaqanka Soomaalida, waxaana ka soo qayb-galay hormuudka kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddaas.

Dhaqanka iyo Hiddaha Soomaalida ee lagu soo bandhigay munaasabaddaas, waxaa ka mi ah; cunnooyin iyo qaar ka mid ah Cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida.
2016103636110782950825738xaflad_karachi_pakistan-3
Sidoo kale, Xafladdaan ayaa waxaa ku sugnaa arday kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo u dhashay Waddanka Pakistan. kuwaasoo xiiseynayay Dhaqanka ay sida gaarka ah u leeyihiin Soomaalida.

Xafladdaan oo aheyd mid Qrrux badan, ayaa waxaa lagu daah-furay Astaanka Qaranka Somalia, iyadoo kasoo qayb-galayaashii u istaageen si ay xushmad ugu muujiyeen ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Pakistan.

Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Karachi, Iqbal Azhar oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahad-celiyey intii soo agaasintay xafladda, waxuu kaloo ammaanay ardayda Soomaalida ee Kulliyada Farmashiga oo ah Kuliyadda ugu badan ee Soomalida Jaamacada Karachi ay dhigtaan.
2016103636110783446185094xaflad_karachi_pakistan-4

Dhanka kale, Tanzeem Adam oo ah Hormuudka Kuliyadda Micro-biology oo hadalka qaadatay ayaa ka sheekeysay Soomaalida xiligeeda waxbarashada Jaamacadda iyo sidii ay u dadaal badnaayeen, iyadoo sheegtay inay ardayda Soomaaliyeed oo buundo fiican ka keeni jiray Imtixaanaadka.

Ugu dambeyn, Martida ayaa intaas kaddib billaabay inay cunaan cuntadii ay Soomaalidu soo bandhigeen, waxayna si aad h uga maqsuudeen cuntadii ay Soomaalidu munaasabadda kusoo bandhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, Jaamacadda Karachi waxaa dhigta Soomaali badan; waana Jaamacad Dowli ah oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn Dalka Pakistan, waxaana dhigta 20,000 oo arday ah.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews