berberatoday.com
Cirro Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Siyaasiyiinta Isbahaysiga Oo Waddani Ku Socda
October 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa shalay magaalada Hargeysa kulan muhiim ah ku yeeshay xisbiga Waddani iyo siyaasiyiinta isbahaysiga ee hore uga tirsanaa xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE.

1

Kulankaas ayaa waxa ka qayb galay siyaasiyiinta isbahaysiga iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmana-Cirro oo ay weheliyaan hoggaanka xisbigaasi.

Kulanka oo qaatay saacado badan, ayaa waxa markii dambe weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan HCTV uga waramay guddoomiyaha xisbiga Waddani oo sidoo kale ah guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cirro, waxaanu sheegay in kulankaasi guul u ahaa labada dhinacba, “Kulanka aanu wada yeelanay xisbiga Waddani iyo isbahaysigu wuxuu ka mid ahaa wada hadaladii noo socday, wada hadalkii noo socday ayaa halkii ka bilaabmay, waxaanan rajaynaynaa inuu soo gunaanadmo.” ayuu yidhi Cirro oo intaas raaciyay “Sidii la isku kaashan lahaa Isbahaysiga iyo Waddani weeye ajanduhu, waxaanan filaynaa kulan kale oo deg deg ah inaan yeelano maalmaha soo socda, ragga ku jiraana waa siyaasiyiin waaweyn oo miisaan ku lahaa Somaliland, waxaanan isleeyahay arrinta miisaanka iyo doorashada intaba iyo taageerada xisbiga ragga halkaas ku jiraa wax badan bay ka tarayaan.”

Guddoomiye Cirro oo la weydiiyay eedayn uu murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi u jeediyay oo ahayd inuu ka baxay heshiis saddexda xisbi wada galeen oo ku saabsanaan saami qaybsiga inuu ka baxay, wuxuu sheegay in qodobka labaad ee heshiiskaasi u qornaa “Waxa la isla qaatay in saddexda xisbi u hoggaansamaan go’aanka madaxweynuhu ka gaadho ee khuseeya arrinta saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada Somaliland.”, waxaanu Cirro yidhi, “Markaas go’aan madaxweynuhu ka soo saaray saami qaybsigu ma jirin ee wuxuu soo saaray kala qaadka doorashada, markaas wax balana oon ka baxay ma jirin, laakiin waxaan isleeyahay haddii balamo laga baxay la helayo Muuse ilaa halgankii haddii la baadho in la soo helayo boqolaal balamood oo uu ilaa halgankii ilaa maanta ka baxay.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews