Doorashooyinka Somaliya Oo Mar Kale Laga Cabsi Qabo Inay Dib Udhacaan Iyo Sababta Keenaysa
October 4, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga Hir-gelinta Doorashooyinka Dadban ee dalka Somaliya ka dhacaya sannadkan 2016-ka, ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadleen, doorshooyinka xildhibaannada ka imaanaya Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
War saxaafadeedka Guddiga doorashooyinka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka sugayaan go’aan ka gaadhista goobta ay ka dhaceyso doorashada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo Hanaanka soo magacaabida doorashada xubnaha Aqalka sare ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo muran xoogani ka jiro .