berberatoday.com
WARBIXIN: Dawlada Itoobiya iyo Qawmiyada Orromada
October 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay boqolaal kalena waa ay ku dhaawac meen inta la ogyahay iska hor imaadyo dhex maray ciidamada booliiska Itoobiya iyo dad shacab ah oo banaanbaxyo ka sameynayay Xarunta Ismaamulka  ee Oromada ee dalka Itoobiya.

Bayaan kasoo baxay xafiiska isgaadhsiinta ee Dowlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in Iska Hor imaadka  ka dhacday duleedka caasimada ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad dhowr ah. Laakiin bayaaanka Dawladu soo saartay  laguma faah faahin tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay rabshahaasi, hase yeeshee mucaaradka ayaa ku eedeeyey ciidamada booliska in ay sababeen dhimashada dadkan oo ay ku sheegeen in ay tiradooda kor u dhaafeyso 50 qof.

Merera Gudina, oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka Orobomada ee OFC ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in dadka dhintay ay gaadhayaan 50 ruux kuwaasoo u geeriyooday Rabshado ka dhacay goob ay ka socotay Mudaharaad ka dhan ah dawlada Itoobiya oo ay Qowmiyada Oramadu Bilihii u dambeeyay ka wadeen gobolka ay degaan ee Oromiya.

Ciidamada Booliiska ayaa kor u ridey Rasaas  si ay u kala dareeriyaan Kooxaha Mudaharaadka sameynayay, waxaana markii dambe ay goobtaasi isku badashay iska horimaad dhex mara Ciidamda booliiska Itoobiya iyo Dadkii sameynayay Banaanbaxa salmiga ah sida laga arkayay Muuqaalo lagu baahiyay Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho.

Sidoo kale Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroor-diiq qaran ah ka dib markii dad Kontameeyo qof gaadhaya ay shalay    ku dhinteen iska Hor imaad ka dhacday goob lagu cibaadeysanayay oo ku taalla gobolka Oromiya.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn oo la hadlay Telifishanka qaranka Itoobiya ayaa sheegay in  banaanbaxyada Itoobiya ka socda ay ka masuul ka yihiin siyaasiyiinta  xisbiga Mucaaridka ah iyo kooxo Qurba jooga oo uu ugu yeedhay ‘Nabad diid’ ah.

Mucaaradka ayaa maanta oo Isniin ah  sheegay in ugu yaraan  100 qof halkaasi lagu dilay markii booliska uu kala Eryay dadkii mudaharaadka dhigayay.

Inta badan dadka dhintayna waxay ku dhaceen godad halkaasi ku yaalla, xilli ay isku dayayeen inay goobta ka baxsadaan.

Muuqaalo lagu baahiyay Baraha bulshada ayaa laga arkayay ciidamada booliiska Itoobiya oo Rasaas ku ridaya Banaanbaxayaasha, Waxaa kale oo ka muuqday Muuqaaladaasi Diyaarado dagaal oo hawada sare ilaalinaya islamarkaana ku sugan Goobta Banaanbaxu ka socday

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaa kale ciidammada Booliiska Itoobiya .Dadka mudaharaadka samaynayay ayaa gacmahooda oo is-dhaafsan kor u taagayay, taasoo astaan u ah dibed baxyada ay bilihiii u dambeeyeen  wadeen qowmiyadda Oromada iyo Amxaarada Itoobiya.

Rabshadaha ka socda dalka Itoobiya ayaa salka ku haya qorshe ay dowladdu ku  shaacisay Bishii November-tii ee sanadkii hore inay ku balaadhinayso Caasimada  Addis Ababa  qeybo ka mid ah gobolka Oromiya oo dhul beereed u badan.

Beeraleyda Oromada ee dhulkaasi caasimada lagu balaadhinayay ayaa si adag uga hor yimid go’aankaasi ay lagu balaadhinayay Caasimada waxaana  cabsi weyn ay ka qabeen  in tallaabadaasi ay ka barakicin doonto beerahooda.Balse Dawlada Itoobiya ayaa sheegtay inay ka laabatay Qorshahaasi lagu balaadhinayo Caasimada horaanii sanadkan aynu ku jirno

Dad fara badan ayaa lagu dilay tan iyo dhamaadkii sanadki tagay ee 2015-kii bannaan baxyo  is daba socday oo ka dhacay dalka Itoobiya kuwaasi oo ay ku mudaharaadayeen Qoomiyada Oromada ee ugu badan  dalkaasi.

Warbaahinta Itoobiya oo inta badan dawladu maamusho ayaan soo bandhigaya khasaaraha ka dhasha banaanbaxyada ka socda Itoobiya.

 

Ciyaaryahano kala duwan ayaa caalamka kaga mudaharaaday Caalamada u khaas ah Banaanbaxyadan ka socda Itoobiya taasi oo astaanteedu tahay in gacmaha la isa saaro.

Banaanbaxyo Qoomiyada Orormadu kaga soo Horjeedo Dawlada Itoobiya ayaa ka dhacay Caalamka Daafihiisa kala duwan kuwaasi oo ay ku codsanayaan in lasoo Celiyo nidaamkii milatariga ahaa ee dalkaasi laga Tuuray Sanadihii sagaashamaadkii.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews