berberatoday.com
Amnesty International Oo Eedaysay Waddamada Qaniga Oo Yareeyay Qabiilada Dadka qaxoontiga ah A
October 5, 2016 - Written by Berbera Today

Geneva(Berberatoday.com)-Amnesty International ayaa ku eedeysay in waddamada qaniga ay yaraynayaan masuuliyada ka saaran qaxootiga, iyadoo sheegtay inay qaataan qaxootiga ugu yar ayna u qabtaan wax yar.qaxoonti

Toban waddan ayay joogaan in ka badan kala bar 21-da milyan ee qaxootiga adduunka ayay sheegay warbixin ay soo saartay hayadda Amnesty.

Salil Shetty, oo ah xoghayaha guud ee Amnesty, ayaa ku baaqay in waddamada qaniga ay qaataan dad badan.

Mr Shetty ayaa ku sheegay UK inay tahay tusaale xun ee sida loogu guuldaraystay masuuliyada qaxootiga.

UK ayaa aqbashay ilaa 8,000 oo qaxooti reer Suuriya ah tan iyo 2011, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Maraykanka ayaa aqbalay oo kaliya 12,000. Marka la barbardhigo Urdun (Jordan), ayaa haysa ku dhawaad 655,000 qaxooti reer Suuriya.

In ka badan 2.7 milyan oo qaxooti markii la isku daro ayaa jooga Urdun, iyadoo haysa qaxootiga ugu badan. Turkiga ayaa qaatay in ka badan 2.5 milyan; Pakistan 1.6 milyan; Labnaan in ka badan 1.5 milyan.

“Waddamo yar ayaa lagu daayay inay qabtaan waxyaabo badan sababtoo ah waxay daris la yihiin meesha uu dhibka ka socdo.” ayuu sheegay Mr Shetty.

Wuxuu sheegay “Haddii, tusaale ahaan 60 ilaa 90 waddan ay qaybsadaan masuuliyadda, waxaan ku jiri lahayn xaalad ka duwan midaan ku jirno. Waa dhibaato wayn laakiin waa la xalin karaa.”

Waddamada kale ee ku jira 10-ka waddan ee ugu horeeya ee haya qaxootiga ayaa ah:

  • Iran (979,400)
  • Itoobiya (736,100)
  • Kenya (553,900)
  • Uganda (477,200)
  • Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Kongo (383,100)
  • Chad (369,500)

UK ayaa leh siayaasad in la siiyo gargaar waddamada dariska si ay ugu taageeraan qaxootiga meel u dhow waddankooda. Laakiin Amnesty ayaa ku dhaleecaysay habkan warbixinteeda, iyadoo sheegtay in waddamada qaniga aysan bixin lacag si dadka loogu hayo meel kale”.

Qaxootiga iyo muhaajiriinta ayaa soo maraya jid qatar ah si ay ku imaadaan Yurub. Isniintii Talyaaniga ayaa hogaaminayay hawlgal laga badbaadiyay 2,600 oo qof xeebta Libya.

 

 

 

Source BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews