“ Dugsiga Sheekh Bashiirna Maaha Dhaxal Uu Ka Tagay Sheekh Bashiir.”Wasiirka Waxbarashada
October 5, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane (Cabdillaahi-dheere), ayaa sheegay in dhismaha Maktabadda Gaandi looga yagleelayo Gudaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh Bashiir ee Caasimadda Hargeysa lagu hirgelinayo amar Madaxweyne, laakiin aanay Cid gaar ahi ku danaysanaynin.
Wasiir Cabdillaahi-dheere oo Shalay dhagax dhigay Dhisme Maktabadda Gaandi leedahay oo Xukuumaddu uga hirgelinayso Gudaha dhismaha Dugsiga Sheekh Bashiir, ka dib markii dhismihii uu ku jiray ee Koonfurta Saldhigga dhexe ee Hargeysa lagu wareejiyey Ganacsadaha Ina Xarbi, ayaa sidoo kale ka hadlay Warar laga fidiyey Dugsiga Sheekh Bashiir.