ETHIOPIA: Kacdoonkii Orommada Oo Karkaarrada Jebiyey, Wershado Dab La Qabadsiiyey Iyo Maxaabiis Oodda Laga Rogay
October 5, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kacdoonka qoomiyadda Oromada ee dalka Ethiopia, ayaa cirka isku shareeray, waxana kooxo is urursaday oo qoomiyaddaas kamid ahi ay maalintii shalay weerar ku qaaday wershed sibidh oo lagu magacaabo Dangote cement factory, taas oo uu iska leeyahay ninka qaaradda Afrika ugu lacagta badan ee lagu magacaabo Aliko Dangote.