MASAR: Booliiska Oo Toogasho Ku Dilay Laba Nin Oo Ka Mid Ahaa Ururka Ikhwaanul Muslimiin
October 5, 2016 - Written by Berbera Today
Qaahira(Berberatoday.com)-Booliska Dalka Masar, ayaa toogasho ku diley laba Nin oo ay sheegeen in ay ka tirsanayeen Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo Dalkaasi laga Mabnuucay.
Labada Nin ee la diley, mid kamid ah ayaa ahaa Maxamed Kamaal, kaas oo kamid ahaa hoggaamiyaasha Uururka Ikhwaanul Muslimiin oo Masar laga mamnuucdey, sida laga soo xiganayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa sheegtey in Maxamed Kamaal uu ahaa hoggaamiyaha garabka hubeysan ee Ikhwaanka, laakiin waxaa diiidey oo beeniyey ururka Ikhwaanul Musliim oo sheegay in aanay lahayn garab hubeysan.